Ma arag Qof ka taabasho wanaagsan maro diilimo aguudan leh ayuu qaadan jirey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee

Ma arag Qof ka taabasho wanaagsan maro diilimo aguudan leh ayuu qaadan jirey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee

Albaraa` Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ma arag Qof ka taabasho wanaagsan maro diilimo aguudan leh ayuu qaadan jirey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Timihiisu waxay gaarayeen garbihiisa, garbihiisu waa kala fogaayeen, mid dheerna ma ahayn mid gaabana ma ahayn.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Baraa Binu Caasib Ilaahay ha ka raali ahaadee wuxuu sheegay inuusan arag Qof Timaha Madaxiisu dheer yihiin oo gaarayaan garbahiisa, ee ku labisan hoos gunti iyo go`madow oo diilimo gaduudan leh ee ka wanaagsan Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, sifooyinka Ilaahay ku abuuray waxaa ka mida in garbihiisu kala fogaayeen, wuuna Xabad balaarnaa, joogiisuna dhex dhexaad ayuu ahaa wuxuuna u dhexeeyey mid dheer iyo mid gaaban.

فوائد الحديث

wuxuu cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sifooyinkiisii fiicnaa ee muuqaalka ahaa qaar ka mida sida Timo fiican, Xabad balaaran, Joog fiican iyo qayrkood.

Xadiiska waxaa ku cad Saxaabada Ilaahay ha ka raali ahaadee siday u jeclaayeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ilaa ay uga sheekeeyaan oo u soo guuriyaan dadkii ka danbeeyey wanaagii Nabiga iyo Sifooyinkiisii Jirka ahaa iyo kuwii macnawiga ahaaba.

التصنيفات

Sifooyinka Abuurida ah, Nabiga scw labiskiisii