Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo calaacashadu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey suurada qur'aanka ah

Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo calaacashadu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey suurada qur'aanka ah

Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo calaacashadu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey suurada qur'aanka ah, "ataxiyaatu (salaamo), lilaahi (Illaahay ayey u sugnaadeen),wa salawaatu (salaado), adayibaatu (wanaagyo), asalaamu calayka (nabadi korkaaga ha ahaato), ayuha nabiyu, (nabiyahaw), wa raxmatu Allaahi wa barakaatuh, (iyo naxariista Ilaahay iyo barakooyinkiisu), asalaamu calaynaa, wa calaa cibaadi Allaahi saalixiina (nabadi korkayaga ha ahaato anaga iyo adoomada Ilaahay ee saalixiinta ah), Ashhadu allaa ilaaha Ilaa Allaah, (waxaan qirayaa inaanu jirin ilaah aan Allaah wayne ahayn, wa ashhadu ana Maxamad rasuulu Allaah,(waxaan qirayaa inuu Maxamadna yahay adoonkiisa iyo rasuulkii Ilaahay soo diray)). Ruwaayad kale oo labadoodu wariyeen waxay ahayd: "Ilaahay isagaa salaam ah, hadii midkiin u fariisto salaada ha dhoho: "Ataxiyaatu lilaah, wa salawaatu wa dayibaatu asalaamu calayka ayuha nabiyo wa raxmatu Allaah wa barakaatuh, asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi saalixiina, marka uu dhoho intaa way gaaraysaa ducadaasi adoon kasta oo saalix ah oo ku sugan samada iyo dhulkaba, waxaan qirayaa inaanu jirin ilaah xaq lagu cibaado oo aan Ilaahay ahayn, waxa kale oo aan qirayaa inuu Maxamadna yahay adoon Ilaahay iyo rasuulkiisa, intaa ka dib ducada waxa uu doonuu ku ducaysanayaa."

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu baray Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali noqdee- ataxiyaadka salaada la akhriyo, isagoo gacanta ganta u saaray, si uu Nabigu scw Ibnu Mascuud u soo jeediyo sida marka uu suurad qur'aanka ah barayo oo kala, arinkaasina wuxuu ina tusayaa dadaalka uu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ku bixinayey Ataxiyaadka Eray ahaan iyo macno ahaanba. Nabigu scw wuxuu ku yiri: " Ataxiyaatu lilaah'': waana hadal iyo ficil kasta oo tusaya wayni iyo qadarin, dhamaanteedna Ilaahay casa wajala ayaa xaq u leh. " Asalawaatu'': waana salaada la yaqaan, faralakeeda iyo sunaheeduba Ilaahay ayey u sugnaatay. " Adayibaatu" waa hadalada iyo ficilada iyo sifooyinka wanaagsan ee tusaya kaamilnimada dhamaanteedna Ilaahay ayey u sugnaatay. " Asalaamu calayka ayuha Nabiyu wa raxmatu Allaahi wa barakaatuh '': Nabiga scw ayaa loogu ducaynayaa in Ilaahay ka nabadgeliyo aafo iyo wax xun oo dhan uuna u siyaadiyo una badiyo khayr oo dhan. " Asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi saalixiina": Waa duco nabad loogu ducaynayo qofka tukanaya iyo Adoon kasta oo saalix ah oo ku sugan samada ama dhulka. "Ash hadu allaa ilaaha Ilaa Allaah": Waxaan qirayaa qiritaan ga'aan inaanu jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. " Wa ana Maxamadan cabduhu wa-Rasuuluh': Nabi Maxamad waxaan u qirayaa adoonimo iyo Risaalada khatimada ah. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu ku booriyey qofka tukanaaya inuu ducaduu doono ku ducaysto.

فوائد الحديث

Booska Ataxiyaatku waa fadhiga ka danbeeya sujuuda u danbaysa salaad walba, iyo rakcada labaad ka dib salaadaha sadexda rakco ah iyo kuwa afarta racko ahba.

Ataxiyaadku waa waajib in lala yimaado, waxaana banaan in qofku ku ataxiyaadsado Ereyada ataxiyaadka ku soo arooray ee Nabiga scw ka sugnaaday kii uu doono.

Waa banaan tahay in salaada dhexdeeda lagu ducaysto hadaanu wax dambi ah ahayn.

Waxaa suna ah ducada inuu qofku naftiisa ka bilaabo.

التصنيفات

Sifada Salaada