إعدادات العرض
Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu,…
Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog Hausa Kurdî Português دری অসমীয়া ไทย Tiếng Việt አማርኛ Svenska Yorùbá Кыргызча Kiswahili ગુજરાતી नेपाली Română മലയാളം Nederlands Oromoo සිංහල తెలుగు پښتو Kinyarwanda Malagasy ಕನ್ನಡ Српски Moore ქართულიالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka dhaha salaada faralka ah gadaasheeda: 33jeer: (subxaana Allaah) waana Ilaahay oo laga nasahayo ama laga hufayo wax kastoo nusqaan ah. iyo 33 jeer: (Alxmdu lillaah), waana amaan Ilaahay lagu amaanayo sifooyinkiisa kaamilka ah, Isagoo la jecel yahay lana wayneynaayo. iyo 33 jeer: (Allaahu akbar), waana Ilaahay inuu ka wayn yahay oo ka mudan yahay shay walba. Waxaa lagu dhamaystirayaa tirada 100 hadka ah: (laa ilaaha illaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku, walahul-xamdu, wahuwa calaa kulli shay'in qadiir) oo macneheedu yahay: majiro macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn isagoo kaligi ah ee shariig lahayn, Isagaana nusqaan oo dhan ka hufan, oo gaar uleh boqornimada taamka ah, Isagaana xaq leh amaanta buuxda iyo in la jeclaado oo la wayneeyo, Isagaana awood badan oo wax is hortaagi karana jirin. Qofka dhaha intaa waxaa laga tiraa dambiyadiisa, waana loo dambi dhaafaa haba u badnaato sida xoorka cad ee badda korkeeda saaran marka mawjada baddu kacdo.فوائد الحديث
Waa suno in dikrigaan la akhriyo salaadaha faralka ah ka dib.
Dikrigani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo.
Fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa iyo dambi dhaafkiisuba aad bay u wayn yihiin.
Dikrigaani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo, waxaana loo jeedaa: dambiyada yar-yar, laakiin dambiyada waaweyn laguma dhaafo waxaan towbokeen ahayn.
التصنيفات
Adkaarta Salaada