Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay

Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu wuxuu sheegay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Ilaahay Qiiroodo caroodna karaahsadona, sida Muuminku u Qiiroodo una Caroodo una Karaahsado, sababta Ilaahay u caroodana, waa in Muuminku la yimaaddo waxa Ilaahay ka xarimay ee xumaan ah, sida Sinada, Khaniisida, Tuugada, Khamri cabida iyo xumaanta kale.

فوائد الحديث

Waxaa laga digayaa carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa hadii lagu dhaco wuxuu xarimay.

التصنيفات

Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka