anigu gadaashey waxaan idiinka baqayaa waxa la idiin furidoono ee aduunyada dhalaalkeeda iyo quruxdeeda ah

anigu gadaashey waxaan idiinka baqayaa waxa la idiin furidoono ee aduunyada dhalaalkeeda iyo quruxdeeda ah

Abii Saciid al khudri-Allaha karraali ahaadee-waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee maalin ayuu ku fariistay mimbarka anaguna dhinacyada ayaan ka fariisanay, markaasuu yiri: " anigu gadaashey waxaan idiinka baqayaa waxa la idiin furidoono ee aduunyada dhalaalkeeda iyo quruxdeeda ah" nin ayaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow khayrku ma shar buu keenaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu aamusay, ninkii waxaa lagu yiri: waa maxay xaalkaagu? Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaad la hadlaysaa isaguna kula hadli maayee? markaasaanu aragnay in waxyi ku soo dagayo, wuxuu yiri: dhabanka ayuu ka masaxay dhididkii, wuxuuna yiri: "aaway kii su`aalayey?" waxaad moodaa inuu mahadiyey, wuxuuna yiri: " khayrku shar ma keeno, guga naqa soo baxa wuu dilaa tii naqa cunta markay ka dheregto ee kalidu soo taaganto oo ay qoraxda isu dhigto oo ay saalooto kaadidana oo ay daaqdo, malkaani waa cagaar macaan, waxaa nicmo ah muslimku wuxuu siiyo miskiinka, agoonka iyo musaafirka - ama si u eg sidii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri - qofkii xaqdaro ku qaatana, wuxuu la mid yahay sidii mid cunaya oo aan dhargayn maalinta qiyaamena markhaati ayuu ku noqonayaa.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu maalin ayuu ku fariistay mimbarka isagoo asxaabtiisa la hadlaya wuxuuna yiri: Shayga ugu badan ee aan idiinka baqayo gadaashey waa waxa la idiin furidoono ee dhulka barakadiisa, dhalaalka iyo quruxda aduunyada, iyo waxa dhexyaal aduunyada ee ah raaxada, noocyada dharka, beeraha iyo qayrkood kuwaas oo ka mida waxyaabaha dadku ku faano wanaagooda iyadoo ay yar tahay intay joogayaan. Nin ayaa yiri: Quruxda aduunyadu waa nicmo Ilaahay keenaye, nicmadaasi miyey dhib dhib noqonaysaa?!. Dadkii ayaa eedeeyey ninkii su`aasha waydiiyey waayo waxay arkeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo aamusay, waxayna u maleeyeen inuu ka xanaajiyey. Waxaa u cadaatay in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxyi ku soo dagayey ka dibna dhabankiisa ayuu dhididka ka masaxay wuxuuna yiri: aaway kii waydiinayey? Wuxuu yiri: waa aniga. Ilaahay ayuu mahadiyey oo amaanay, ka dibna wuxuu yiri: khayrka runta ah khayr maahee wax kale ma keeno, laakiin quruxdaan aduunyadu maaha khayr soocan waayo waxay keenaysaa tifno iyo tartan looga mashquulo in si fiican loogu jeesto aakhiro, ka dibna taas wuxuu u keenay tusaale wuxuuna yiri: gugu dhirta uu soo saaro iyo cagaarkiisa, oo ah dhirta ay jecel yihiin xooluhu wuu dilaa xoolaha markay aad u cunaan oo iska badiyaan ama way ku dhawaadaan inuu dilo, xoolaha cagaarka cuna maahee waayo taasi way cuntaa ilaa ay caloosheeda ay qayb buuxiso, oo markaa ay quraxda isu dhigto oo ay dhigto saalo jilicsan ama ay kaadido, ka dibna ay soo ceshato waxa caloosheeda ku jira oo ay raamsato oo liqdo, ka dibna ay ku noqoto oo soo daaqdo. Xoolahaani waxay la mid yihiin naqa cagaaran ee quruxsan, wuu dilayaa ama badnaantiisu wuu sigayaa inuu dilo, in lagu gaabsado in yar oo baahidu keenayso oo ku filan maahee iyadoo loo marayo dariiq xalaal ah taasi dhib maleh, waxaa nicmo ah muslimka siinaya miskiinka, agoonka iyo musaafirka, xoolaha qofkii ku qaata si xaq ah Ilaahay waa u barakaynayaa, qofkii ku qaata si xaqdaro ahna wuxuu la mid yahay mid cunaaya oo aan dhargeyn, maalinta qiyaamena markhaati ayey ku noqonayaan.

فوائد الحديث

Imaam nawawi wuxuu yiri: xaddiiska waxaa ku jira: fadliga xooluhu u leeyihiin qofkii xaqooda ku qaata kuna bixiya meelaha khayrka ah.

Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay xaalka ummaddiisa iyo waxa loo furidoono ee quruxda nolosha aduunyada iyo fitnadeeda ah.

Nabiga -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- dhaqankiisa waxaa ka mid ahaa inuu tusaale keeno si uu u soo dhaweeyo macnaha.

Waxaa la isku booriyey in la sadaqaysto oo xoolaha lagu bixiyo meelaha khayrka ah, waxaana la isaga digay inaan xoolaha la bixin.

Waxaa laga qaadanayaa hadalkii Nabigu yiri: " khayrku shar ma keeno" Arsaaqdu haddii xataa badato waxay ka mid tahay khayrka, waxaase ku yimaada shar sida in xoolaha laga bakhiilo ciddii xaqa ku lahayd iyo in bixinta xoolaha lagu israafo laguna bixiyo meelo aan sharci ahayn, wax walba oo Ilaahay waajibiyeyna waa khayr sharna ma noqoto iyo taa lidkeeda, laakiin qofkii khayrka lagu Arsaaqo waxaa loo baqaa inuu u isticmaalo xoolaha wax shar u soo jiida.

waa in la iskadaayo in si degdega looga jawaabo haddii arrintu u baahan tahay in loo fiirsado.

Aldiibii wuxuu yiri: xadiiskaan waxaa laga qaadanayaa afar sifo, qofka cuna cunto uu macaansanaayo una cunay si xad dhaaf ah oo ku maman ilaa ay buufsamaan feerihiisu oo ka kiciwaaya waxaa u soo degdegaya inuu ku halaagsamo, qofkii sidaas oo kale u cuna laakiin isticmaala xeelad uu xanuunka uga fakado goor uu ku dhacay oo ku faafay wuu ku halaagsamaa, qofkii sidaa oo kale u cuna laakiinse u degdega inuu iska suuliyo waxa dhibaya oo isticmaala xeelad uu kaga fakado ilaa cuntadu dheef shiidanto wuu ka nabadgalaa, qofkii cuna isagoo aan xad dhaafin oo aan ku mamanayn, ee ku gaabsada wax gaajada ka bi`iya wuu iska qabtay, kan hore waa tusaalaha gaalka, kan labaadna waa tusaalaha caasiga moogan inuu macsida joojiyo oo uu towbo keeno ilaa waqtigeedu tago, kan seddexaad waa tusaalaha kan wax isku khalday ee towbada u degdegaya si looga aqbalo kan afaraadna waa tusaalaha kan aduunyada ka saahiday ee aakhiro doonaaya.

Ibnu muniir wuxuu yiri: xadiiskaan waxaa ku sugan dhinacyo la isku shabahay oo aad u qurusan, tan u horaysa: waa xoolaha iyo tarankooda oo lagu shabahay dhirta iyo soo bixideeda, tan labaad: waa kan aad ugu mashquulsan siduu xoolo u heli lahaa iyo asbaabteeda oo lagu shabahay xoolaha ku mashquulsan daaqa, tan seddexaad: waa kan xoolaha badsada oo kaydsada oo lagu shabahay xoolaha daaqa oo caloosha buuxsada iyo sharka uga yimaada, tan afaraad: waa maalka ka soobaxa xoolaha isagoo nafta ku wayn ayuu gaarsiiyaa inuu ku bakhiilo waxaa lagu shabahay saalada xooluhu dhigayaan, waxaa ku sugan ishaaro fiican oo tusaysa in sharcigu u arko wax quruna, tan shanaad: waa kan ka fariistay jumcaha oo lagu shabahay ridu hadii ay nasato oo ay fariisato dhinacna isu tuurto iyadoo qoraxda isu dhigaysa, waa waqtiga ay ugu fiican tahay uguna dagan tahay waxaana ku sugan ishaaro tusaysa inay danteedii gaartay, tan lixaad: waa dhimashada kan xoolaha aruuriyey ee bixin waayey oo lagu shabahay dhimashada neefka aan aqoon inuu iska daayo waxa dhibaya, tan todobaad: waa maalka oo lagu shabahay saaxiibka aan aamin laga ahayn inuu isu rogo cadow, maalka xaalkiisa waxaa ka mida in la haysto oo meel adag lagu xiro jacaylka loo qabo awgeed, taasoo keenaysa in loo diido cidii xaqa u lahayd markaasuu sabab u noqonayaa in lagu ciqaabo dadkii kaydsaday, tan sideedaad: waa qofka xoolaha xaq daro ku qaatay oo lagu shabahay sida kan cunaya ee aan dhargayn.

Alsindii wuxuu yiri: arinkaan xoolaha ku saabsan waxaa laabud ah in labo arimood la helo, mid: waa in xoolaha lagu helo dariiqeeda saxda ah, mida labaadna: waa in lagu bixiyo jidkiisa saxda ah, marka labadaas mid la waayana wuxuu noqonayaa dhibaato ... waa la dhihikaraa: waxaa ku jira ishaaro tusaysa inay isku xiran yihiin labadaa arimood, oo qofka la waafajin maayo inuu xoolaha ku bixiyo meeshii ku haboonayd hadii uusan ku qaadan jidkiisa saxda ah.

التصنيفات

Xumaanta Aduunka jacaylka