إعدادات العرض
Nabigaan waydiiyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray
Nabigaan waydiiyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray
Cabdillaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigaan waydiiyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray", waxaan iri: arinkaasi waa mid wayn, maxaa ku xiga?, wuxuu yiri: "inaad ilmahaaga disho, adoo ka cabsanaaya inuu wax kula cuno", waxaan iri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: "inaad ka sinaysatid xaaska dariskaaga".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Malagasy Română Lietuvių Oromoo Nederlands Српски Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyarالشرح
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, waxaa la waydiiyey dambiyada ugu waa wayn wuxuuna yiri: Dambiyada shirkiga wayn ayaa ugu wayn, waana inaad Ilaahay u samayso mid u dhigma ama la mida Ilaahnimadiisa ama Rabinimadiisa ama Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa, danbigaasna Ilaahay kuma dhaafo towbad mooyee, qofkii sameeyaa haduu ku dhinto naarta ayuu ku waarayaa. Ka dib waa qofka oo ilmihiisa dila isagoo ka baqaya inuu wax la cuno, dilka naftuna waa la xarimay, laakiin wuxuu dambigu ku sii waynaanayaa markuu noqdo kan la dilay mid qaraabo dhaw la ah kan dilay, waxa kaloo dambiga sii waynaynaya marka ujeedka dilku noqdo cabsi uu ka qabo kan wax dilay in kan la dilay la wadaago irsaaqada Ilaahay. Ka dib waxaa xiga inuu ninku ka sinaysto xaaska ninka dariskiisa ah, isagoo xodxodonaaya si ay u ogolaato oo uu uga sinaysto. sinadu waa xaaraan laakiin wuxuu dambigeedu sii wayn yahay marka mida laga sinaystey ay tahay xaaska dariska ee shareecada islaamku kula dardaarantay in la wanaajiyo oo loo baarinimo falo oo dhaqan fiican lagula dhaqmo.فوائد الحديث
Dambiyadu way kala wayn yihiin, sida camalka wanaagsanba uu u kala ajar badan yahay.
Dambiyada waxaa ugu wayn: Ilaahay oo loo shariig yeelo, ka dibna inaad disho ubadkaaga adigo ka baqaya inuu wax kula cuno, ka dibna inaad ka sinaysato xaaska dariskaaga.
Irsaaqadu gacanta Ilaahay ayey ku jirtaa, Isagaana kafaala qaaday quudka makhluuqa oo dhan.
xaqa jaarku waa mid aad u wayn, dhibka loo gaystona dambigiisu waa ka wayn yahay dhibka loo gaysto dadka kale.
Allaha khaaliqa ah kaligi uun baa xaq u leh cibaadada cid lala wadaajiyona ma jirto.
التصنيفات
Towxiidak Rabinimda