إعدادات العرض
Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir
Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiiye wuxuu yiri- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro Ilaahay maahee ilaah kaloo xaq lagu caabudo in uusan jirin, Maxamedna adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay, salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, xajka oo la guto iyo bisha ramadaanka oo la soomo."
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية Kurdî English Kiswahili Español اردو Português বাংলা Bahasa Indonesia فارسی தமிழ் हिन्दी සිංහල Tiếng Việt മലയാളം Русский မြန်မာ ไทย پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە Türkçe Hausa دری Кыргызча or नेपाली Kinyarwanda Malagasy Română తెలుగు Bosanski Lietuvių Oromoo Nederlands Српски Deutsch Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan 中文 Magyarالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku shabahay diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed scw una hogaansan. Tiirka labaad: waa salaada oo la oogo, waana salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka: waa fajarka, duhurka, casarka, maqribka iyo cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka sadexaad: waa bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka shanaad: waa soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku cibaado, laga bilaabo waqtiga fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.فوائد الحديث
Labada Ashahaado way isku xiran yihiin oo midkood ansixi maayo ilaa kan kale lala yimaado, sidaasaa hal tiir looga dhigay.
Labada Ashahaado waa aasaaska diinta, oo Ilaahay ma aqbalayo qawl iyo camal iyaga la`aantood.