Daahirnimadu waa iimaanka barki, alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama subxaana Allaah iyo alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka

Daahirnimadu waa iimaanka barki, alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama subxaana Allaah iyo alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka

Abii Maalik Alashcari Allaha ka raali noqdee wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: Daahirnimadu waa iimaanka barki, alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama subxaana Allaah iyo alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka, salaaduna waa nuur, sadaqaduna qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid naftiisa xoreeya ama halaaga.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay in dahaarada muuqataa ay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay salaada. Erayga alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana amaanta Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, iyo in lagu sifeeyo sifaadka kaamilka ah, maalinta qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa Ilaahay oo laga hufo wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kaamilnimo oo dhan, taasoo u qalanta ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaadu nuur ayey u tahay adoonka qalbigiisa, wejigiisa, qabrigiisa, iyo markuu maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay in iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo balan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana naftoo laga xabiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka nafta iyo in loo diido waxay rabto, qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa in lagu sabro daadcada ilahay, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Adduunka oo loo adkaysto. qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafayaan oo hurdadooda ka toosayaan oo guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah qof ku toosan daacada Ilaahay oo naftiisa naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo naftiisa naar ku halaagaya.

فوائد الحديث

Dahaaradu waa labo dahaaro: dahaarada muuqata waa weysada iyo qubeyska, dahaarada qarsoona waa towxiidka, iimaanka iyo camalka saalixa ah.

Muhimad ayey leedahay ilaalinta salaadu, Adoonka salaadu waxay u tahay nuur aduunka iyo maalinta qiyaameba.

Sadaqaduna waxay daliil u tahay in iimaanku run yahay.

Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.

Nafta hadaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.

Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, qofku daacada Ilaahay ayuu naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu naftiisa ku halaagin.

Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.

التصنيفات

Iimaanka qaybihiisa, Faa`iidada Dikriga Ilaahay casa wajala, Nadiifinta Nafta, Fadliga waysaysiga, Fadliga Salaada