Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto

Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto

Abii Umaama-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri: "Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".

[Xadiis Saxiix ah]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in qofka salaadaha faralka ah gadaashooda akhriya aayatul kursiga ay janada galitaankeeda geeridu uuni ka xigto, waxayna ku jirtaa suurada Albaqara, waana aayadaan: " Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn majiro, waana Allaha nool, ِAllaha qayuumka ah, ma qabato lulmo iyo hurdo midna wuxuu iska leeyahay oo u sugnaaday samooyinka iyo dhulka waxa ku sugan oo dhan, yuu yahay midka shafeeco qaadi kara idan la'aantiisa, wuxuu og yahay waxa ka horeeya-dadka- iyo waxa ka dambeeyaba, makoobikaraan oo wax badan kama ogaan karaan cilmiga Ilaahay ee balaaran wax yar oo uu doono maahee, wuu ka balaaran yahay kursigiisu samooyinka iyo dhulkaba, kumana adka Ilaahay ilaalinta samooyinka iyo dhulka, waana Allaha saraynta iyo waynida badan". [Al baqara:255]

فوائد الحديث

Xadiiskaan waxaa ku cad fadliga wayn ee aayatul-kursigu leedahay, waayo waxa ku jira magacyada Ilaahay ee wanaagsan iyo sifooyinkiisa sareeya ah.

Waa sune in la akhriyo aayadan wayn-aayad kursiga- salaad walba oo faral ah gadaasheeda.

Camalka wanaagsani wuxuu sabab u noqdaa galitaanka janada.

التصنيفات

Adkaarta Salaada