Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo maalinta qiyaamaha waa dhiiga

Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo maalinta qiyaamaha waa dhiiga

Cabdullaahi Binu Mascuud- Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiis ha ahaatee-ayaa yiri: "Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo maalinta qiyaamaha waa dhiiga".

[Xadiis Saxiix ah.]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay waxa ugu horeeya ee loo kala xukumayo dadka is dulmayey maalinta qiyaamaha waa: dhiiga, sida dilka iyo dhaawacyada.

فوائد الحديث

Dhiiga arinkiisu waa wayn yahay, bilaabidu waxay noqon shayga ugu muhimsan.

Dambiyadu waxay u kala daran yihiin kolba fasahaadka ka dhalanaya sida uu yahay, nafta aan waxba gaysan oo la dilaana waa dambiyada ugu waawayn, wax ka wayna ma jiraan gaalnimada iyo in Ilaahay loo shariig yeelo mooyee.

التصنيفات

Nolosha Aakhiro, Qisaasta