Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas

Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas

Sahal Binu Sacad-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri maalintii kheybar: "Waxaan calankaan siindoonaa bari nin Ilaahay gacmihiisa ku furidoono, kaasoo Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel, Ilaahay iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin", wuxuu yiri -Sacad-: dadku waxay baryeen habeekii iyagoo ku murmaya kee loo dhiibidoonaa, markii waagu baryey ayey ku soo kalaheen Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyagoo qof walba uu rabo in loo dhiibo, wuxuu yiri: "aaway Cali Binu Abii Daalib?" waxay ku dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, indhahaa xanuunaya, wuxuu yiri: "u yeera", waana loo keenay, Rasuulka ayaa kaga tufay indhaha wuuna u duceeyey, wuuna bogsaday isagoo la moodo inuusan xanuusan, calankii ayuu u dhiibay, Cali ayaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, ma waxaan la dagaalamaa ilaa ay anagoo kale noqdaan? wuxuu yiri: "tartiib u soco ilaa aad degtid goobtooda, ka dibna ugu yeer Islaamka, una sheeg waxa ku waajibaya ee xaqa Ilaahay ah, Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- wuxuu u sheegay asaxaabta in muslimiintu ka guulaysan doonaan yuhuuda reer kheybar beri, taasina waxay ku imaan doontaa nin Nabigu scw calanka ugu dhiibi doono gacantiisa, calankuna waa midka ciidanku astaanta ka dhigtay. Ninkaana sifooyinkiisa waxaa ka mida inuu Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel yahay Ilaahay iyo Rasuulkiisuna ay jecel yihiin. Asaxaabtu waxay habeenkii ku baryeen iyagoo ku murmaya yaa la siin doonaa calanka?, iyagoo doonaya inay sharaftaas wayn helaan. Markii waagii baryey ayey u tageen Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo mid walba rabo inuu ku guulaysto sharaftaas wayn, Nabigu scw wuxuu waydiiyey Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-? waxaa lagu yiri: wuu bukaa oo indhahaa xanuunaya. Nabigu scw wuu u cidiray waana loo keenay-Cali-, Nabigu candhuuftiisa sharafta leh ayuu indhaha kaga tufay, wuuna u duceeyey, wuu ka bogsaday xanuunkii sidii isagoo aan xanuunsan, markaasuu calankii u dhiibay, wuxuuna faray inuu tartiib u socdo inta uu u dhawaanayo dhufayska cadawga, oo uu Islaamka ugu yeero, haday aqbalaan, u sheeg Faralka ku waajibaya. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu u cadeeyey Cali fadliga dacwada Ilaahay leedahay, oo hadii qofka daaciga ah Ilaahay sababtiisa ku soo hanuuniyo hal qof waxay uga kheyr badan tahay geel cas-cas, kaasoo ah waxa ugu qiimo badan xoolaha Carabta isagoo dhaqanaya ama sadaqaysanaya.

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku cad fadliga Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-, iyo inuu Rasuulku uga markhaati noqday jacaylka uu Ilaahay iyo Rasuulkiisa jecel yahay, iyaguna jecel yihiin.

Waxaa ku jira xadiiska siday asxaabtu ugu dadaali jireen kheyrka, oo ugu baratamayeen.

waxaa sharci ah in waqtiga dagaalka lagu socdo aadaabta Islaamka oo laga tago seef la boodnimada iyo qaylada iyo buuqa aan loo baahnayn.

Xadiisku wuxuu ka mid yahay adulada tusaysa Nabiga nabinimadiisa -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waayo wuxuu sheegay in laga guuleysan doono yuhuuda, iyo sida uu u daweeyey indhaha cali Binu Abii Daalib idanka Ilaahay.

Ujeedada ugu wayn ee jihaadka laga leeyahay waa inuu dadku soo galo Islaamka.

Dacwada Islaamku waa talaabooyin is xig-xiga, waxa ugu horeeya ee gaalka laga dalbo waa inuu Islaamka soo galo oo shahaadateynka ku dhawaaqo, ka dibna waxaa la farayaa waajibaadka Islaamka.

Dacwada Islaamku way fadli badan tahay khayr ayaana ugu jira kan u yeeraya dadka iyo kan loo yeerayoba, waxaa laga yaabaa kan loo yeerayo inuu soo hanuuno oo kan u yeeraya uu ajar badan ka helo.

التصنيفات

Is dabiibida, is daawaynta iyo tufida sharciga ah, Faliga Saxaabada Allaha ka raali noqdee, Dagaaladii iyo Sahanadii Nabiga scw.