Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah

Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah

Jaabir Ilaahay ha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah".

[Xadiis Xasan ah] [Waxaa wariyay At-tirmidi, An-nisaa'i oo Sunan kubraa ah iyo Ibnu Maajah]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga ugu fadli badni yahay: laa Ilaaha ilaa Allaah, oo macnaheedu yahay: ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, ducana waxaa ugu fadli badan Alxamdu lillaah, waana qirid kan nicmada bixiyaa inuu Ilaahay yahay, isagaa xaq u leh in lagu sifeeyo wanaag oo dhan.

فوائد الحديث

Waxaa la isku boorinayaa in lagu badiyo dikriga Ilaahay erayga towxiidka, ducadana erayga Alxamdu lillaah.

التصنيفات

Adkaarta guud ahaaneed