إعدادات العرض
(Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro
(Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro
Cimraan Binu Xuseyn Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro, iyo kan guntimaha sixira gunta, iyo kan u taga faaliye ee rumaysta wuxuu sheego, waanu ku gaaloobay diinta Nabi Maxamed scw lagu soo dajiyey).
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Kinyarwanda नेपाली Română Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Oromooالشرح
Nabigu scw wuxuu u goodiyey qofkii ummaddiisa ah ee sameeya ficilada qaarkood oo uu ku cadeeyey hadalkiisii uu yiri: ( naga mid maaha) waxaana ka mida: Tan 1aad: waa qofka shimbiraha ka faaliya ama shibiraha looga faaliyo asalkeeduna waa: shimbiraha oo la duuiyo marka camal la bilaabayo sida safar, ganacsi iyo wixii la mid ah, haduu u duulo xaga midig wuu bishaaraysan wuuna ku dhaqaaqi camalkii uu rabey, haduuse u duulo xaga bidix wuu baasaysan waanu ka joogin wixii uu rabey, uma banaana inuu isagu waxaa sameeyo ama uu cid kale u dirsado, waxaa soo galaya baasaysigaa wax kasta oo maqal ah ama muuqaal ah, sida shibmiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii lamid ah. Tan labaad: (waa qofka faaliya ama loo faaliyo) waa kan sheegta inuu qaybka wax ka og yahay isagoo adeegsanaya xidigaha iyo wixii la mid ah, ama cidkale u taga sida wax sheega iyo wax la mida oo rumeysta wuxuu sheegay isago sheeganaya inuu yahay cilmi qaybka, kaasi wuu ku gaaloobay waxa Ilaahay ku soo dajiyey Nabi Maxamed scw. Tan saddexaad:(waa qofka saaxirka ah ama isaga loo sixro) waa kan isagu sixirka sameeya, ama qof kale u dirsada inuu sixir u sameeyo, si uu cid wax u taro ama u dhibaateeyo, ama kan guntimo xarig ku xira kuna sixira wax uu ku akhriyo oo ah wax la magan galo oo xaaraan ah ku tufa.فوائد الحديث
Waa waajib in Ilaahay la tawakalo oo la rumeeyo qadarka iyo Qadaha Ilahay, waana xaaraan in laga faashado shimbiraha iyo in wax la baasaysto, ama la sixro ama wax sheege la aado, ama dadka waxaa ka shaqeeya wax la waydiisto.
Cilmi qaybka in la sheegto shirkiga ayey ka mida tahay wuuna diidayaa towxiidka.
Waa xaaraan in la rumaysto qofka wax sheega ah iyo in lootago, taas waxaa la raaciyaa akhrinta waxa lagu magacaabo Calaacasha, Koobka, iyo fiirintiisa hadii xataa ay thay iska daawasho uun.