Markuu Ilaahay Abuuray janada iyo naarta wuxuu u direy janada malakul jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee

Markuu Ilaahay Abuuray janada iyo naarta wuxuu u direy janada malakul jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee

Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yiri: Markuu Ilaahay Abuuray janada iyo naarta wuxuu u direy janada malakul jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku yiri: soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda, wuu soo eegay oo soo noqday wuxuuna yiri cisadaada ayaan ku dhaartee qofkii maqlaa wuu galin, ilaahay wuxuu amray in lagu wareejiyo waxa naftu neceb tahay, wuxuuna ku yiri aad oo soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu soo eegay, wuxuuna arkay iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu neceb tahay, wuu soo noqday wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inaan qofna galin, ilaahay wuxuu ku yiri aad naarta oo soo eeg iyada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu aaday wuxuuna arkay iyadoo is kor saaran, wuu soo laabtay wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee cidina galimayso, ilaahay wuxuu faray in lagu wareejiyo waxa naftu jeceshahay, wuxuuna yiri ku noqo oo soo eeg, wuuna ku laabtay oo soo eegay mise waaba iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu jeceshahay, wuuna soo laabtay oo yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa in qofna ka bad baadi waayo.

[Xadiis Xasan ah] [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.i]

الشرح

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay in Ilaahay markuu abuuray janada iyo naarta, uu ku yiri: malakul Jibriil nabad gelyo Allah siiye: janada aad oo soo eeg, wuuna aaday oo soo arkay kanasoo laabtay. Jibriil wuxuu yiri: Rabiyow, cisadaadaan ku dhaartaye qofkii maqla janada iyo waxa dhexyaal oo nicmo iyo karam iyo khayr ah wuxuu jeclaanayaa inuu galo oo iyada u shaqaysto. Ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey janada wax yaabaha naftu neceb tahay iyo waxyaabo ay adag tahay in la sameeyo oo ah wax la is faray iyo wax la iska reebay, qofkii raba inuu janada galao waa inuu ka gudbo wax yaabahaas naftu neceb tahay. ka dib Ilaahay casa wajala wuxuu yiri: Jibriilow Janada aad oo soo eeg, waa markii uu ku wareejiyey Janada waxa naftu neceb tahay ka dib. Jibriil wuu aaday Janada oo soo eegay, ka dib wuu yimid wuxuuna yiri: Rabiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka cabsan in qofna gali waayo waxa ka sokeeya ee adayg iyo dhib ah darteed. Ilaahay markuu abuuray naarta wuxuu yiri: Jibriilow: soco oo soo eeg naarta, markaasuu aaday oo soo eegay naarta. Jibriil wuxuu yiri: Rabiyow, cisadaadaan ku dhaartaye qofkii maqla waxa dhex yaala naarta ee cadaab, kurbo iyo dhibaato ah, wuu nacaya inuu galo wuuna isaga fogaanayaa asbaabta lagu galo naarta. ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey naarta oo jidkeeda dhigay waxa naftu jeceshahay iyo macmacaan, ka dibna Ilaahay Jibriila wuxuu ku yiri: Jibriiloow, soco oo soo eeg-naarta. Jibriil wuu aaday naarta oo soo eegay, ka dib wuu ka yimid wuxuuna yiri: Rabiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka baqay inuu qofba ka bad-baadi waayo waxa lagu gadaamay ee macmacaana awgeed.

فوائد الحديث

Waa in la rumeeyo in janada iyo naartu haatan joogaan .

Waa waajib in la rumeeyo qeybka iyo wax kasta oo ka yimid xaga Ilaahay iyo Rasuulkiisa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.

Muhimad yuu leeyahay in lagu sabro waxa naftu neceb tahay, waayo waa jidka lagu gaaro janada.

Muhimad ayey leedahay in xaaraanta oo laga fogaado, waayo waa jidka naarta ku gaynaya.

Ilaahay wuxuu ku wareejiyey janada waxa naftu neceb tahay, naartana waxa naftu jeceshahay, taasina waxaa keenaya itaxaanka nolosha aduunyada.

Jidka janadu wuu adag yahay wuuna dhib badan yahay, wuxuuna u baahan yahay sabir iyo in iimaanka loo dhabar adaygo, jidka naartuna waxaa ka buuxa macaanka aduunka iyo waxay naftu rabto.

التصنيفات

Maalinta Qiyaame oo la rumeeyo, Sifooyinka Janada iyo Naarta