Hadii aad maqashaan mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya

Hadii aad maqashaan mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya

Cabdullaahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Hadii aad maqashaan mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya, waayo qofka igu saliya hal mar Ilaahay ayaa toban jeer ku saliya, ka dibna ii waydiiya Ilaahay wasiila, wasiiladu waa darajo janada ku taal, oo aan ku haboonayn adoon ka mida adoomada Ilaahay mooyaane, waxaanan rajaynayaa inaan noqdo adoonkaas, qofka ii waydiiya wasiila waxaa gaaraya shafaacadayda".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ummaddiisa ku booriyey qofka maqla mu'adinka salaada u adimaya inuu ka daba dhoho wuxuu leeyahay mu'adinku, marka laga reebo xay calataynka, labadaa wuxuu ka daba dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa billaah, ka dib Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku saliyayaa marka aadaanku dhamaado, qofka hal mar ku saliya sababteeda Ilaahay wuxuu ugu saliyaa toban salaadood, salaada Ilaahay ku saliyaayo adoonkiisa macnaheedu waa in Ilaahay adoonka ku amaanayo malaa`igta agteeda. Ka dib wuxuu faray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in Ilaahay loo waydiiyo ''wasiila'', waana darajo janada ka mida, waana tan ugu saraysa, waana darajo aan ku haboonayn una qalmin hal adoon oo adoomada Ilaahay ka mida mooyee, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan noqdo adoonkaa, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sidaa u yiri waa tawaaduc, waayo hadii darajadaas sare hal qof mudan yahay, qofkaasi isaga maahee cid kale ma noqonaayo, waayo isagaa ugu fadli badan khalqiga. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay Nabiga uga barya ''wasiilo'' inuu halayo shafaacada Nabiga scw.

فوائد الحديث

Waxaa la isku boorinayaa in la ajiibo mu'adinka.

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in lagu saliyo fadli ayey leedahay mu`adinka marka la ajiibo ka dib.

Waxaa la isku boorinayaa in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay loo waydiiyo ''wasiila'' marka lagu saliyo isaga ka dib.

Wasiiladu waa darajo sare, oo adoon qura maahee cid kale u qalmin.

Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadligiisa waxaana lagu gaar yeelay darajadaas sare.

Qofka Ilaahay u waydiiya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ''wasiila'' shafaacadiisa ayuu helayaa.

Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawaaduciisa waayo wuxuu waydiistay ummaddiisu inay Ilaahay uga barido darajadaas sare, iyadoo darajaas isaga la siin doono.

Waa Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa waasaca ah, oo halka xasano waxay u dhigantaa toban iyada la mida.

التصنيفات

Maalinta Qiyaame oo la rumeeyo, Fadliga Dikriga, Aadaanka iyo Iqaamada