Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq

Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo Aabbihiyee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq".

[Xadiis Xasan ah marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray] [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo Axmed]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee Muslimku si weyn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrka Aduunyada iyo kan Aakhiraba, sida dambi dhaaf waydiisasho, dambi asturka iyo cafintiisa, raxmad balaaran, in laga caafimaado shubuhaatka, shahawaatka, cudurada iyo bugtada, iyo in Ilaahay la waydiisto ku hanuunida xaqa, iyo ku sug naashihiisa, iyo in Ilaahay ku arsaaqo iimaan, cilmi, camal saalixa, iyo maal xalaal ah oo wanaagsan.

فوائد الحديث

Ducadaasi waa sharci in la akhriyo fadhiga labada sujuudood u dhexeeya.

Ducooyinkani waa qaar aad u fadli badan waxa ku jira khayrka Aduun iyo kan Aakhiraba.

التصنيفات

Sifada Salaada, Adkaarta Salaada