إعدادات العرض
Ilaahay wuxuu fidiyaa gacantiisa habeenka si uu u tawbo keeno midka maalinta dambaabay, maalintana wuu fidiyaa gacantiisa si uu u towbo keeno midka habeenka dambaabay, ilaa qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo
Ilaahay wuxuu fidiyaa gacantiisa habeenka si uu u tawbo keeno midka maalinta dambaabay, maalintana wuu fidiyaa gacantiisa si uu u towbo keeno midka habeenka dambaabay, ilaa qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo
Abii Muusa Alashcari -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Ilaahay wuxuu fidiyaa gacantiisa habeenka si uu u tawbo keeno midka maalinta dambaabay, maalintana wuu fidiyaa gacantiisa si uu u towbo keeno midka habeenka dambaabay, ilaa qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Hausa Kurdî Português සිංහල دری অসমীয়া Tiếng Việt አማርኛ Svenska ไทย Yorùbá Кыргызча Kiswahili ગુજરાતી नेपाली Română മലയാളം Nederlands Oromoo తెలుగు پښتو Kinyarwanda Malagasy ಕನ್ನಡ Српски Moore ქართულიالشرح
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay in Ilaahay ka tawbo aqbalaayo adoomadiisa, Hadii adoonku maalintii dambaabo oo habeenkii u towbo keeno Ilaahay waa ka aqbalayaa, hadii habeenkii uu dambaabo oo maalintii towbo keeno Ilaahay wuu ka aqbalayaa towbadiisa, Ilaahay wuu fidiyaa gacantiisa Isago ku faraxaaya towbada, oo aqblaaya towbada, albaabka towbaduna wuxuu ahaanayaa mid furan ilaa qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo taaso tusaysa in aduunkii dhamadaay, hadii qorax ka soo baxdo galbeedka albaabkii towbadu waa xirmay.فوائد الحديث
Towbada waa la qabalayaa inta albaabkeedu furan yahay, albaabkeedana waa la xirayaa hadii qoraxdu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo, iyo in qofku towbo keeno inta aanay naftu soo gaarin dhuunta.
Waa inaan la quusan danbi la qalay awgeed, Ilaahay cafintiisa iyo naxariistiisu waa wayn tahay, albaabka towbaduna waa furan yahay.
Shuruuda towbada:
mida 1aad: dambiga oo la joojiyo.
mida 2aad: waa in laga qoomameeyo dambigii.
mida 3aad: waa inuu go'aansado inuusan ku noqon dambigaas waligi, waa haduu yahay xuq Ilaahay, haduuse yahay xaq aadane shuruuda towbada waxaa ku jira inuu xaqa aadanaha gudo oo qofkii uu ka galay u celiyo, ama uu ka cafiyo kii ku lahaa.
التصنيفات
Towbada