إعدادات العرض
Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey
Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey
Abii Barsata Alaslami-Allaha karaalli ahaadee- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu dhahay: "Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".
[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay At-tirmidi]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Hausa Kurdî Português සිංහල Svenska ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە Tiếng Việt Kiswahili پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or Malagasy नेपाली Čeština Oromoo Română Nederlands తెలుగు മലയാളം ไทย Српски Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Lietuvių தமிழ் Wolof Українська Shqip ქართული Moore Magyarالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo: Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey? Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd? Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya. Mida 4aad: jirkiisii, xooggiisii, caafimaadkiisii, dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?فوائد الحديث
Waxaa lagu boorinayaa dadku inay uga faa'iidaystaan nolosha wax Ilaahay raalli gelinaaya.
Nicmooyinka Ilaahay uu siiyey adoomadiisa way badan yihiin, wuuna weydiin doonaa nicmooyikaa maalinta qiyaamaha, sidaa darteed waxaa lagudboon qofku inuu nicmooyinkaa uga faa'iidaysto wax Ilaahay raalli gelinaaya.
التصنيفات
Nolosha Aakhiro