iiga sheeg diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow

iiga sheeg diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow

Sufyaan Binu Cabdullaahi Athaqafi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga sheeg diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow."

[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay Muslim iyo Axmed]

الشرح

Saxaabigii Sufyaan Binu Cabdullaahi -Allaha ka raali ahaadee- ayaa waydiiyey Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu baro hadal soo koobaya macnaha Islaamka oo uu qabsado, cid kalana aanu waydiin? Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: dheh: Ilaahay ayaa kaligi ah waana rumeeyey inuu Rabigay yahay Ilaahayna yahay oo isagu i abuuray uuna yahay kan aan caabudo ee xaqa ah ee aan lahayn cid shirko la ah. ka dibna uu u hogaansamo adeecida Ilaahay isagoo gudanaaya wixii Ilaahay ku waajibiyey, kana tagaya wixii Ilaahay ka xarimay sidaasna joogteeya.

فوائد الحديث

Diinta asalkeedu waa in la rumeeyo Ilaahay Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa sare.

Muhumad ayey leedahay toosnaantu Imaanka ka dib, iyadoo la joogtaynaayo cibaadada lagu sugnaanayona.

Iimaanku waa shardiga lagu aqblo Camalka.

Rumaynta Ilaahay waxaa soo galaya wax kasta oo ay waajib tahay in la rumeeyo ee ay ka mid yihiin Caqiidada Imaanka iyo Usuushiisa, iyo wixii soo raaca ee ah camalka Qalbiga iyo hogaansanka iyo in Ilaahay la isu dhiibo uurka oo oogadaba.

Toosnaantu waa in lagu taagnaado dariiqa iyadoo lala imaanayo waajibakii lagana tagayo wixii la iska reebay.

التصنيفات

Ilaahay casa wajala oo la rumeeyo, Nadiifinta Nafta