majiro qof qiraya inuu jirin ilaah kale, Allaha xaqa lagu caabudo mooyee, Muaamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa karun sheegaya, hadduu jirase Ilaahaybaa ka xarimaya naarta inuu galo

majiro qof qiraya inuu jirin ilaah kale, Allaha xaqa lagu caabudo mooyee, Muaamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa karun sheegaya, hadduu jirase Ilaahaybaa ka xarimaya naarta inuu galo

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade-: Nabigu scw Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: (Mucaad Binu Jabaloow) isna wuxuu ku yiri: ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaataye, wuxuu ku yiri: (Mucaadow), wuxuu yiri: ku ajiibay Rasuul Ilaahayow farxadi ha kuu ahaataye, saddeax jeer, wuxuu yiri: ( majiro qof qiraya inuu jirin ilaah kale, Allaha xaqa lagu caabudo mooyee, Muaamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa karun sheegaya, hadduu jirase Ilaahaybaa ka xarimaya naarta inuu galo), wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma ugu bishaareeyaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: (haddaad u sheegto way is dhiganayaan), Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka cabsaday inuu ku dambaabo qarinta cilmiga.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Mucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaade wuxuu ahaa mid Nabiga scw gadaashiisa la fangashan neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadoow? wuxuuna ku cel-celiyey dhawaqaa saddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada waxa uu ku oron doono. Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (ku ajiibay hadan ku ajiibay Rasuul Ilaahayow, farxadi ayey ii tahay ajiibidaaduye). Nabigu scw wuxuu u sheegay qof qira in Allaha xaqa ah maahee ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahaybaa ka xarimaya naarta. Mucaad baa waydiiyey Rasuulka scw inuu ugu bishaareeyo dadka warkaa, si ay ugu farxaan oo u bishaaraystaan khayrka. Rasuulku scw wuxuu ka cabsaday inay is dhigtaan oo camalka wanaagsan yaraystaan. Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.

فوائد الحديث

waa tawaaduca Nabiga scw inuu fangaliyey Mucaad neefkii uu fuushanaa.

Qaabka uu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye-wax u barayey dadka waa qaab tusaale, oo laga helayo tilmaamo badan oo wanaagsan, waxuu ku cel-celiyey yeedhmada Mucaad oo agtiisa fadhiya, si uu ugu soo jeediyo dareenkiisa, waxa uu usheegi doono

Shuruuda shahaadada kalmada tawxiidka ee: laa ilaaha illa-llaah Maxamada Rasuulu allaah waa inay qofka run ka tahay qalbigiisana ka yaqiinsan yahay oo been iyo shakina ku jirin.

Dadka ahlu towxiidka ah ku waarimaayaan naarta hadii xataa ay dambigooda ku galaan waa laga soo saari markay dambiga laga nadiifiyo.

Fadliga shahaadataynku waa mid wayn qofka yiraahda oo ka run sheega.

Waa wax banaan in dadka loo sheegin xadiis haduu ka dhalanayo sheegitaanka wax aan la rabin oo fasahaad ah.

التصنيفات

Towxiidak Rabinimda, Fadliga Towxiidka