Waxaa la i faray inaan ka sujuudo todoba lafood

Waxaa la i faray inaan ka sujuudo todoba lafood

Ibnu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga- ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Waxaa la i faray inaan ka sujuudo todoba lafood: wajiga, wuxuuna gacantiisa ku ishaaray sankiisa, gacmihiisa, labada law, faraha lugaha, oo aanaan aruurin oo celcelin dharka iyo timaha ".

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray markuu tukanaayo inuu ka sujuudo todoba xubnood oo jirka ka mida, waxayna yihiin: Tan 1aad: wajiga: waana balaca wajiga ee sanka iyo indhaha ka sareeya. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu ku ishaaray gacantiisa sankiisa, isagoo cadaynaaya wajiga iyo sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in qofka sujuudsani sankiisa dhulka taabsiiyo. xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada gacmood. xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada law. xubinka 6aad iyo 7aad: waa faraha labada Qadam. Rasuulku wuxuu na amray inaan xirin timaheena, ama aanan aruurin dharkeena markaan dhulka ku sujuudayno anagoo ilaalinayna dharka, balse aan sii dayno ilaa ay dhulka ku dhacdo oo xubnaha la sujuudo.

فوائد الحديث

Waa waajib in todobadaa xubnood in laga sujuudo marka la tukanaayo.

Waa karaahiyo in la aruuriyo ama la celceliyo marada iyo timaha marka la tukanaayo.

waxaa ku waajib ah qofka tukanaaya inuu ku xasilo salaadiisa, taasoo ah inuu xubnaha sujuudda ee todobada ah dhulka dhigo, kuna xasilo ilaa uu digriga sujuuda la imaanayo.

Nahyiga ku soo arooray in timaha la celceliyo wuxuu gaar ku yahay Raga, waayo Dumarka waxaa la faray salaada inay is asturaan.

التصنيفات

Sifada Salaada