Ku tuko taagni, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodin adigoo dhinac u jiifa tuko

Ku tuko taagni, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodin adigoo dhinac u jiifa tuko

Cimaraan Binu Xusayn -Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan qabay Baabasiir, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan waydiiyey sideen Salaada u tukadaa, wuxuuna yiri: "Ku tuko taagni, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodin adigoo dhinac u jiifa tuko".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada asalkeeda lagu tukado taagni, xaaladaha uu Qofku kariwaayo maahee, markaasoo loo ogol yahay Qofku inuu fadhiga ku tukado, haduu fadhigana awoodi waayo wuxuu ku tukanayaa isagoo dhiniciisa u jiifa.

فوائد الحديث

Salaaddu Qofka kama dhacdo inta caqligiisu joogo, kolba xaalad ayuu u guurayaa inta awoodiisu dhan tahay.

Diinta Islaamku waa mid samaaxo iyo fudayd ah, oo Adoonku wuxuu gudanayaa cibaadada inta uu awoodo.

التصنيفات

Salaada Dadka Cudurdaarka leh