إعدادات العرض
(Dambiyad waawayni waa: Ilaahayoo loo shariik yeelo, waalid caasiga, naf la dilo iyo dhaar badanaha)
(Dambiyad waawayni waa: Ilaahayoo loo shariik yeelo, waalid caasiga, naf la dilo iyo dhaar badanaha)
Cabdullaahi Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaadee wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Dambiyad waawayni waa: Ilaahayoo loo shariik yeelo, waalid caasiga, naf la dilo iyo dhaar badanaha).
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල தமிழ் ไทย دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली Malagasy Italiano or ಕನ್ನಡ Oromoo Română Српски Wolof Moore Українська Azərbaycan ქართული Magyarالشرح
Nabigu scw wuxuu cadeeyey dambiyada waawayn, waana kuwa loo balan qaaday cida samaysa ciqaab adag oo aduunyada iyo aakhiraba ah. Tan koowaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana cibaadada noocay doontaba ha ahaate oo loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn, iyo Isaga oo lala simo wax aan Isaga ahayn wax yaabaha uu keligii xaq u leeyahay sida Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, magacyadiisa iyo tilmaamihiisa wanaagsan. Tan labaad: waa waalid caasiga: waana wax kasta oo labada waalid dhib ku ah, oo ah hadal ama ficil, iyo u samafal kooda oo laga tago. Tan saddexaad waa naf la dilo: taasoo ah xaq daro, sida dilka dulmiga iyo cadaawada ah. Tan afraad, waa dhaar badanaha: waa mida lagu dhaaranayo beenta loo bareerayo, waxaana sidaa loogu magacaabay, waayo dhaar badanaha waxay quusinaysaa dambi ama naar.فوائد الحديث
Dhaarta qamuusku malahan kafaara gud, khatarta ay leedahay iyo dambi waynideeda darteed, waxayse leedahay towbadkeen.
Afartaan dambi ee sheegidooda lagu koobay xadiiskaan waa waynida dambigooda, ee maha inay dambiyada waawayn intaa ku eg yihiin.
Dambiyadu waxay u qayb samaan waawayn iyo yar yar, dambiyada waa wayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab aduunka ah, sida danbiyada xuduuda leh ama lacnada, ama goodi kale, sida goodiga inuu naar gali doono, dambiyada waa waynina waa sida jaranjaro, qaarba qaar kaga sii adag yihiin xaaraanimada, dambiyada yar-yari waa wixii kuwaa waa-wayn ka soo hara.
التصنيفات
Xumaanta Macaasida