إعدادات العرض
Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay,
Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay,
Xudeyfa Binu Yamaani -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी සිංහල ئۇيغۇرچە Hausa Português Kurdî Kiswahili دری অসমীয়া ไทย Tiếng Việt አማርኛ Svenska Yorùbá Кыргызча ગુજરાતી नेपाली Oromoo Română മലയാളം Nederlands پښتو తెలుగు Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Malagasyالشرح
Wuxuu sheegay Xudeyfa Binu Yamaaani -Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- inuu Nabiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- inuu raacay, oo Nabigu scw uu damcay inuu kaadsho, wuxuuna galay qashin qub reerood, waana meesha lagu tuuro qashinka iyo ciida laga soo xaaqo guryaha, wuuna ku kaadshay isagoo taagan, dhaqankiisuna sida badan wuxuu ahaa inuu fadhiga ku kaadsho. Xudayfa wuu ka dheeraaday Nabiga scw, markaasaa Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: soo dhawow, wuuna u soo dhawaaday ilaa uu istaagay gadaashiisa oo ciribtiisa agteeda ah, si uu ugu noqdo sida sutrada oo kale. Ka dibna wuu wayso qaatay Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii la gaaray lugaha dhaqidooda wuxuu ku gaabsaday masixida khufkiisa waana wax la gashado lugta oo ah sida maqaar jilicsan iyo wixii la mida waana inuu asturo qoobka uusana siibin.فوائد الحديث
Waa sharci masixitaanka labada khuf.
Way banaan tahay in taagnida lagu kaadsho hadaanay qofka kaadidu soo gaarayn.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu doortay meel qashin qub ah waana meesha qashinka lagu daadsho waayo sida badan waa meel sahlan oo kaadidu aysan ku soo laaban qofka kaadinaaya.
التصنيفات
Masaxida laba Khuf iyo wixii la mida