Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba

Anas -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba."

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu rabo inuu xaajo guto, kaadi ama saxaro, Ilaahay ayuu magan geli jiray, Isaguuna cuskan jiray inuu ka nabad galiyo sharka Shaydaanka lab iyo midka dhadigba. Waxaa kaloo lagu fasiray khubuska iyo khabaa`iska sharka iyo najaasada.

فوائد الحديث

Ducadan ayaa la suneeyey in la akhristo marka la gelaayo suuliga.

Dhamaan khalqiga oo dhan waxay baahi u qabaan Rabigooda, inuu ka difaaco wax kastoo dhib ah oo dhibaatayn, xaalad walba oo ay ku sugan yihiin.

التصنيفات

Aadaabta xaajo gudashada