Qaabka looga qubaysto qasliga:

Qaabka looga qubaysto qasliga:

Maymuuna oo ah hooyadii muuminiinta -Allaha ka raali ahaadee-waxay tiri: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaan u dhigay biyo qubays, waxaanan ku asturay maro, biyihii wuxuu ku shubtay gacmihiisa oo dhaqay, hadana biyuu ku qaatay midigtiisa oo bidixdiisa ku dhaqay farjigiisa, ka dibna gacmihiisuu dhulka ku masaxay, wuuna dhaqay, wuuna luq-luqday oo san daarsaday, wajiga iyo gacmuhuu dhaqay, ka dibna biyihiibuu madaxa iskaga shubay ilaa uu jirka oo dhan wada gaarsiiyey, markaasuu in yar ka durkay meeshii uu ku qubaysanayey, luguhuuna dhaqay markaasaan, maro u soo dhiibay igamana qaadan maradii, wuu baxay isagoo gacmihiisa biyaha ka firdhinaaya.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Hooyadii muuminiinta ee maymuuna-Allaha ka raali ahaadee-waxay ka sheegtay qaabkii Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janaabada uga qubaysan jiray, iyadoo Nabiga scw ay u dhigtay biyo si uu ugu qubaysto, waxayna ku asturtay maro, markaas Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee-wuxuu sameeyey sida soo socda: mida 1aad: gacmihiisa ayuu ku shubay biyaha oo dhaqay intaanu weelka galin. mida 2aad: gacantiisa midig ayuu biyo ku shubay oo bidixda ku dhaqay farjigiisa, isagoo iska nadiifinaaya wixii kaga haray qasliga. mida 3aad: dhulkuu gacantiisa ku masaxay, ka dibna wuu dhaqay si uu uga nadiifiyo wixii dhib ah. mida 4aad: wuu luq-luqday, oo inta biyaha afka galiyey oo ku dhaqdhaqaajiyey oo ku wareejiyey ayuu soo tufay, oo san daarsaday, biyaha ayuu neeftiisa sanka ku galiyey ka dibna wuu ka soo saaraay si uu u nadiifiyo. Mida 5aad: wuxuu dhaqay wajigiisa iyo labadiisa gacmood. Mida 6aad: wuxuu ku shubay biyaha madaxiisa. Mida 7aad: biyaha wuxuu ku shubay jirkiisa oo dhan. Mida 8aad: goobtuu ku qubaysanayey ayuu ka durkay lugihiisana wuxuu ku dhaqay meel kale, waayo lugaha horay uma dhaqin. Ka dib waxay u keentay maro si uu iskugu qalajiyo, laakiin kamuusan qaadane gacantiisa ayuu biyaha isaga masaxay oo iska firdhiyey..

فوائد الحديث

Nabiga scw xaasaskiisu waxay ihtimaam siinayeen inay si xeel dheer oo faahfaahsan u sifeeyaan Nabiga scw noloshiisa si ay ummadda u baraan.

Sifada Qubayskaan waa mid ka mida qaababka ka sugnaaday Nabiga scw ee looga qubaysanaayo qasliga, laakiin sifada qubaysku uga gudaayo waa in jirka oo dhan biyaha la gaarsiiyo iyadoo lagu darayo luqluqasho iyo san daarsi.

In biyaha jirka lagaga qalajiyo maro ama la iskadaayo marka laga qubaysto qasliga ama lawayso qaato way banaan tahay.

التصنيفات

Qubayska