إعدادات العرض
waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana scw waan ka xishoon jiray, waayo gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato
waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana scw waan ka xishoon jiray, waayo gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato
Cali Binu Abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana scw waan ka xishoon jiray, waayo gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato.Bukhaarina waxaa ka sugnaaday: wuxuu yiri: "waysayso oo dhaq xubintaada taranka."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt ئۇيغۇرچە Hausa Português Kurdî Kiswahili සිංහල Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Malagasy Kinyarwanda తెలుగు Lietuvių Oromoo Română മലയാളം Nederlands Српски Українська Deutsch ಕನ್ನಡ Wolof Moore Shqip ქართული Azərbaycan Magyarالشرح
Cali Binu abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay in Madi badani ka imaan jirtay - Madidu waa biyo cad oo khafiif ah is jiidanaya, oo xubinta taranka kasoo baxa marka dareenka qofku jiro ama galmada ka hor-, mana garan waxa uu samaynayo marka ay kasoo baxdo madidu, wuxuuna ka xishooday inuu waydiiyo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waayo waa sayga Faadumo oo inanta Nabiga ah-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate. wuxuu waydiistay Miqdaad Binu Aswad inuu Nabiga waydiiyo arinkaa. Wuxuuna ugu jawaabay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaate- inuu dhaqo xubintiisa taranka ka dibna waysaysto.فوائد الحديث
Xaddiiska waxaa ku cad fadliga Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-, xishoodku umadiidin su'aasha uu Suubanaha waydiin lahaa, oo qof kaluu u adeegsaday si uu u helo jawaabta Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-.
way banaan tahay in qof kale loo wakiisho su'aal cilmiyeedka fatwada ah.
Way banaan tahay inuu qofku iska waramo oo u sheegto qof kale wax uu ka xishoonayo oo ay danta iyo maslaxadu keentay.
waa nijaas madidu, waxaana waajib ah in laga dhaqo jirka iyo dharkaba.
madida oo qofka ka timaada waa wax yaabaha waysada buriya.
waxaa waajib ah in ladhaqo xubinta taranka iyo xiniinyaha sida xaddiis kale kusoo aroortay.
التصنيفات
Suulinta Najaasooyinka