إعدادات العرض
Diintu waa naseexo
Diintu waa naseexo
Tamiim Adaari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Diintu waa naseexo " waxaan ku niri: yey u tahay: wuxuu yiri: " Ilaahay, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, Madaxda Muslimiinta, iyo guud ahaan Muslimiinta oo dhan "
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் ไทย دری Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan bm ქართული Русский Македонски Ελληνικά Akan kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay Diintu ku dhisan tahay ikhlaas iyo run, si loogu guto sidii Ilaahay u waajibiyey oo kaamila ee aan laga gaabin ama la qishin. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa lagu yiri: yey u tahay naseexo? wuxuuna yiri: Tan kowaad: Ilaahay ayey u tahay isagaa koreeya oo nusqaan ka hufane: waana in loo khaalis yeelo camalka oo aan loo shariig yeelin ", oo aanu rumayno Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa, Sifaadkiisa, arinkiisa oo la weyneeyo iyo dadkoo la gaarsiiyo inay Ilaahay rumeeyaan. Tan labaad: kitaabkiisa Qur'aanka ah: ayey u tahay: waana inaan aamino inuu hadalkii Ilaahay yahay oo kii kutubtiisa u danbeeyey yahay, iyo inuu nasakhay dhamaan Shareecooyinkii isaga ka horeeyey, waa inaan weynayno oo si wanaagsan u akhrino oo ku camal falo Quraanka Muxkamkiisa, oo aanu u hogaansamo Mutashaabihiisa, oo aanu ka tagno kuwa Quraanka qaloociya oo bedela, waa inaan ku cibro qaadano waanadiisa, oo cilmigiisa faafino, dadkana ugu yeerno. Tan seddexaad: waxay u tahay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: taasoo ah in la rumeeyo inuu yahay kii u dambeeyey Rususha, oo aan rumayno wuxuu la yimid, oo aanu amarkiisa qaadano, wuxuu naga reebayna ka harno, oo aynaan Ilaahay ku caabudin wixii Nabigu la yimid maahee wax kale, oo Nabiga xaqiisa weynayno, oo Nabiga maamuusno, oo dacwadiisa fidino, oo Shareecadiisa faafino, oo tuhunka ka difaacno. Tan afraad: Madaxda Muslimiinta ayey u tahay: taasoo ah in xaqa loogu kaalmeeyo, oo aan lagu qabsan Madaxtinimada, waana in la maqlo oo lagu adeeco Sharciga Ilaahay. Tan shanaad: Muslimiintoo dhan ayey u tahay naseexo: waana in loo ixsaan falo oo khayrka loogu yeero, oo dhibka laga daayo, oo khayrka lala jeclaado, oo baarinimo iyo taqwo lagula dhaqmo.فوائد الحديث
Naseexada in la is faro dadka oo dhan ayey u taalaa.
Nseexadu maqaamka ay Diinta ku leedahay wuu weyn yahay.
Diintu waxay ka kooban tahay caqiido, oraah iyo camal fal.
Naseexada waxaa ka mida in nafta kan loo naseexaynayo laga sifeeyo qishka iyo khayrka oo lala doono.
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu dadka wax u bari jirey isagoo shayga si guud u sheega ayuu hadana sii faahfaahinayey.
Waxaa lagu bilaabaa shayba shayga uu ka muhiimsan yahay, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay naseexada Ilaahay, ka dibna kitaabkiisa, ka dibna Nabigiisa ka dibna Madaxda Muslimiinta ka dibna Muslimiinta oo dhan.
التصنيفات
Imam's Rights over the Subjects