Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka

Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka

Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu yiri: "Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka."

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in muslimiinta xaalka dhexdooda ahi yahay kuwo jecel khayrka, naxariista, is caawinta iyo isu gargaarida, oo wixii dhib soo gaara uu u wada saameeyo sida jir qura, oo hadii xubin ka xanuunsato xubnaha kale ee jirku la qabayaan xanuunka iyo soo jeedkaba.

فوائد الحديث

Waxaa habboon in la weyneeyo xuquuqda muslimiinta, laguna dhiirigaliyo inay iskaashadaan, oo isu naxariistaan.

Waxaa habboon in dadka Ahlu iimaanka ahi is jeclaadaan oo isu gargaaran dhexdooda.

التصنيفات

Islaam