waxaan ku dhaartay Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtee waxaad qaadaysaan jidii kuwii idinka horeeyey

waxaan ku dhaartay Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtee waxaad qaadaysaan jidii kuwii idinka horeeyey

Abii Waaqid Alleysi-Allaha ka raalli ahaadee-: Wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii uu u baxay Xuneyn inuu sii maray geed gaaladu lahaayeen oo la oran jirey daatu anwaad oo ay hubkooda suran jireen, markaasay waxay dheheen Rasuulkii Ilaahayow anagana noo samee geed daatu anwaad ah sida ay u samaysteen daatu anwaad, Nabigu scw wuxuu ku yiri: " Subxaana Allaah! waa sidii qoladii Muuse yiraahden { Ilaah noo same sida iyaguba ay u samaystee Ilaah} [ Alacraaf: 138] waxaan ku dhaartay Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtee waxaad qaadaysaan jidii kuwii idinka horeeyey".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay At-tirmidi iyo Axmed]

الشرح

Rasuulka Ilaahay ayaa u baxay xaga Xuneyn: waana tog u dhexeeya daa'if iyo makah, waxaana la socday asaxaabta qaarkood, oo diinta islaamka ku cusbaa waqtigaa, waxay siimareen geed la oran jiray: '' daatu Anwaad '' oo maceheedu ahaa geedkii meelaha wax la surto lahaa, kaasoo gaaladu ay weyneyn jireen oo ay hubkooda iyo wax kaleba suran jireen iyagoo barakaysanaya. Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxay waydiisteen inuu u sameeyo geed kaasoo kale ah oo ay hubkooda surtaan oo ay barakaystaan waxayna u maleeyeen in arinkaasi banaan yahay. Wuu ka subxaanallaystay Nabigu csw hadalka ka soo yeeray asaxaabta, isagoo aad u diiday hadalkaas Ilaahayna weyneynaya, wuxuuna u sheegay in hadalkaasi la mid yahay hadalkii qaladii Nabi Muuse loodiray ay ku dheheen muuse: {Noo samee Ilaah sida kuwaasba ay u samaysteen Ilaah }, markay arkeen kuwo sanamyo caabudaya, ayey dalbadeen in iyagana sanamyo loo sameeyo, sidaasina waa raacitaan la raacayo wadada Mushrikiinta. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay inay ummaddani raaci doonto wadadii Yuhuuda iyo Nasaaradu mareen oo ay samayn doonto ficilkoodii isagoo ka digaya arinkaas.

فوائد الحديث

Dadka shay ayaa la fiicnaada ay u malaynayaan inuu Ilaahay u dhawaynaayo waana shay Ilaahay ka fogaynaaya.

waxaa la gudboon qofka muslimka inuu tasbiixsado oo takbiirsado markuu maqlo wax aan haboonayn in diinta laga sheego, iyo markuu wax la yaabo.

shirkiga waxaa ka mida barakaysiga geedaha iyo dhagaxda iyo wixii la mida, barakadana Ilaahay weyne keligi ayaa la weydiistaa.

Sababta loo caabudo sanamka waa waynaynteeda iyo in la dul fadhiyo lana barakaysto.

Waa waajib in la xiro albaabada iyo wadooyika dadka gaarsiinaya shirkiga.

Nusuusta sheegaysa xumaanta Yuhuuda iyo Nasaarada waa mid inaga la inoogu digaayo.

Waxaa la reebay in la isu ekeysiiyo dadka Jaahiliga ah iyo Yuhuuda iyo Nasaarada, wixii daliilku cadeeyey inay diinteena ka mid yihiin mooyee.

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada