(Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen farjiga)

(Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen farjiga)

Cuqba Binu Caamir Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: (Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen farjiga).

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Rasuulka Ilaahay scw wuxuu cadeeyey in shuruuda ugu mudan in la fuliyo ay tahay shardiga lagu xalaashaday ku raaxaysiga dumarka, waana shuruud mubaax ah oo ay dalban karto xaasku marka la nikaaxayo.

فوائد الحديث

Waa waajib fulinta shardiga labada is qabaa midkood kan kale ku xiro, shardi xaaraan xalaalaynaaya ama shardi xalaala xaaraantimaynaaya mooyee.

Fulinta shuruuda nikaaxa wuu ka mudan yahay wixii qayrki ah, waayo waxaa looga bedeshay oo lagu xalaashaday farjiga.

Ilaamku guurka makaano wayn ayuu dhigay, waayo wuxuu adkeeyey oofinta shuruudiisa.

التصنيفات

Shuruuda Guurka