Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hadii la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan fudud, hadii uusan danbi ahayn, hadiise uu danbi yahay wuxuu ahaan jirey kan danbiga ugu fog dadka

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hadii la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan fudud, hadii uusan danbi ahayn, hadiise uu danbi yahay wuxuu ahaan jirey kan danbiga ugu fog dadka

Caa`isha oo hooyadii Muminiinta ahayd Ilaahay raalli ha noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hadii la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan fudud, hadii uusan danbi ahayn, hadiise uu danbi yahay wuxuu ahaan jirey kan danbiga ugu fog dadka, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, naftiisa uma aarsan jirin ilaa wixii Ilaahay xarimay la jabiyo, oo markaa Ilaahay uga aaro.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Hoyadii Muminiinta ee Caa`isha Ilaahay ha ka raali ahaadee waxay sheegtay qaar ka mida akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxay sheegtay waxaa ka mida in hadii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan labadooda sahlan hadii labadooda kan sahlan uu u keenayno danbina wuxuu ahaan jirey kan dadka ugu fog, wuxuna dooran jirey kan adag. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si gaara nafiisa uguma aari jirin base wuu saamixi jirey waana cafin jirey xaqiisa, ilaa la jabiyo wixii Ilaahay xarimay oo markaas uu Ilaahay uga aaro, wuxuuna ahaan jirey kan dadaka Ilaahay darti ugu caro badan.

فوائد الحديث

Waa Suno in labo arimood kan sahlan la qaato hadii uusan ahayn macsi.

Xadiiska waxaa ku cad Islaamku inuu fudud yahay.

Waa sharci in Ilaahay darti loo caroodo.

Xadiiska waxaa ku cad Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku sugnaa ee ahaa dulqaad, Sabir iyo inuu ku taagnaado xaqa markuu oogaayo xuduuda Ilaahay.

Ibnu Xajar wuxuu yiri: waxaa ku jira xadiiska ka tagida qaadashada shayga adag laguna qanco shayga fudud, iyo in laga tago raadinta wixii aan daruuri ahayn.

Waxaa la isku boorinayaa cafiska, Xuquuqda Ilaahay mooyee.

التصنيفات

Geesinimadii Nabiga scw., Dulkqaadkii Nabiga scw.