إعدادات العرض
Nin ummaddayda ka mida ayaa ilaahay ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame
Nin ummaddayda ka mida ayaa ilaahay ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame
Cabdillaahi Binu Camar Binu caas-Allaha ka raali noqdo isaga iyo aabihiiba ee waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate: Nin ummaddayda ka mida ayaa ilaahay ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame, waxaana loo furin sagaal iyo sagaashan diiwaan oo mid walba le'eg yahay halka aragu gaaro, ka dib wuxuu dhihin ma wax aad inkirsan tahay oo malaa'igtayda wax qora ee xafadada ahi kugu dulmiyeen ayaa jira wuxuu dhihin: Rabiyow maya, waxaa lagu dhihin: cudur daar aad ku badbaaddo mahelin, wuxuu dhihin: Rabiyow maya, wuxuu Alle ku dhihin: bale waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo, waxaa loo soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaahu wa Ashhadu ana muxammadan cabduhu wa rasuuluhu, wuxuu dhihin Alle: keen miisaankaaga: ninkii wuxuu dhihin: Rabiyow muxuu ka tarin miisaanka kaarkani waxa ku qoran diiwaanadaan illahay ayaa ku dhihin: lagu dulminmaayo, wuxuu yidhi: kafad ayaa la saarin diiwanadii, kaarkiina kafada kale, waxaa bidaya diiwaanadii, kaarkiina culays ayuu noqonayaa, shayna magaca Alle kama cuslaado.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Kurdî Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Oromoo Wolof Tagalog Français Azərbaycan Українська Português bm தமிழ் Deutsch ქართული Македонски فارسی Magyar Русский 中文الشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in nin ummaddiisa ka mida Ilaahey ka dooran doono khalqiga oo dhan maalinta qiyaamaha, waa loo yeerin si loo xisaabiyo, waxaa la soo hor dhigin sagaal iyo sagaashan diiwaan kuwaas lagu qoray camalkiisi xumaa ee uu ku sameeyey aduunka, mid walbna dhererkiisu yahay inta araggu gaaro. Ilaahay casa wajala ninkaa wuxuu ku oran: waxa diiwaanadaas ku qoran miyaad wax ka diidan tahay? miyey ku dulmiyeen malaa'igtayda xafadada ah ee wax qora? Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: camalkii aad aduunka ku samaysay ma u helaysaa wax cudur daar ah oo laguugu garaabi karo in ficilku kaaga dhacay si sahwi ah ama si gaf ah ama aqoon dari. Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow, ma haysto wax cudur daar ah. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: bale, waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo. wuxuu yiri: waxaa la soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an laa Ilaaha Ilaa Allaah, wa ashhadu ana Maxamadan cabduhu wa Rasuuluhu. Ilaahay wuxuu ku dhihin ninkii: imow miisaankaaga. Ninku wuxuu oran isagoo yaaban: Rabiyow!, kaarkani muxuu ka tarayaa miisaanka diiwaanadaan?! Ilaahay casa wajala wuxu ku oran ninkii: lagu dulminaayo. wuxuu yiri: waxaa kafad la saarin diiwaanadii kafada kalena waxaa la saarin kaarka, kafadii diiwaanada la saaray ayaa fudayd noqon, waxaana cuslaanaya kafadii kaarku saarnaa, markaasaa Ilaahay u danbi dhaafay.فوائد الحديث
Waa erayga tawxiidka waynidiisa: Ash'hadu an laa Ilaaha ilaa Allaah, iyo inay culaysinayso miisaanka.
Kuma filna in carabka oo qura laga yiraahdo: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee waa in qofku cilmi u leeyahay macnaheeda kuna camal falaa waxay farayso.
Ikhlaaska iyo tawxiidka xooga leh waxay sabab u yihiin in qofka loo danbi dhaafo.
Iimaanku wuxuu ku kala fadilan yahay hadba inta qofka qalbigiisa ku jirta ee ikhlaas ah, dadka qaar ayaa oran Erayga tawxiidka laakiin waxaa laga yaabaa in lagu cadaabo inta danbigiisu le`eg yahay.