إعدادات العرض
Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale
Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wxuuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri: "Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale, ninna yaanu la huwan nin kale hal maro, haweenayna yaanay haweenay kale la huwan hal maro."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी සිංහල ئۇيغۇرچە Hausa Kurdî Português Svenska ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Tiếng Việt Kiswahili پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Malagasy or Čeština नेपाली Oromoo Română Nederlands తెలుగు ไทย Српски മലയാളം Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Lietuvių Wolof Magyar ქართული Moore Українська Македонскиالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay in ninku eego cawrada nin kale, iyo inay haweenaydu eegto cawrada haweenay kale. cawraduna: waa wax kastoo laga xishoodo hadii ay muuqato, cawrada ninkuna waa inta u dhaxaysa xuduntiisa iyo lawgiisa, Haweenayduna dhamaanteed cawro ayey ka tahay raga ajaanibta ah, dumarka iyo raga maxaarimteeda ahna waxay u muujinaysaa inta ay muujiso marka ay guriga ka shaqaynayso. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku ninkale hal maro ama wax kalaba kula keliyoobo iyagoo qaawan, wuxuu kaloo reebay in haweenay ay haweenay kale hal maro ama wax kale kula keli noqoto iyagoo wada qaawan, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in qofba qofka kale cawradiisa taabto, taabashadeeduna waa xaaraan sida eegmadeeda loo xaaraan tinimeeyey, oo waliba way kasii daran tahay, waxayna keenaysaa fasahaad kasii wayn.فوائد الحديث
Waa la reebay in la eego cawrooyinka marka laga reebo ninka iyo xaaskiisa.
Islaamku wuxuu ku dadaalay in bulshadu daahir ahaato oo la xiro dariiq walba oo faaxisho keenaya.
Way banaan tahay eegmada cawradu markay baahi keento sida daawaynta iyo wixii la mida, waana inaan shahwad loo taaban.
Qofka muslimka ah waxaa la faray inuu cawradiisa asturo oo indhihiisana ka laabto cawrada dadka kale.
waxaa reebida lagu gaar yeelay rag la jooga rag kale iyo dumarka la jooga dumar kale, waayo taasi waxay keenaysaa inay is eegaan oo cawrada faydaan.