"Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin

"Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin

Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaa la weydiiyey camal sabab u noqonaya galitaanka janada, ama camalka Ilaahay ugu jecel yahay? Wuxuu ku yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ninkii su'aasha weydiiyey: joogtee inaad badsato sujuuda salaada dhexdeeda, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin, dambina wuu kaaga dhaafin.

فوائد الحديث

Qofka muslimka waxaa lagu boorinayaa inuu ku dadaalo salaada faral iyo sunaba, sujuuda ku jirta awgeed.

Xadiiska waxaa ku cad fahamka asaxaabta iyo inay cilmi u lahaayeen inaan janada lagu helayn -naxariista Ilaahay ka dib- hadii aan la camal falan.

Sujuudu waa asbaabta ugu wayn ee darajada kor loogu qaado, dambiyadana lagu dhaafo.

التصنيفات

Fadliga Salaada