Markuu ninku masruufo Reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, Sadaqo ayey u noqonaysaa

Markuu ninku masruufo Reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, Sadaqo ayey u noqonaysaa

Abii Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Markuu ninku masruufo Reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, Sadaqo ayey u noqonaysaa".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in markuu ninku siiyo Reerkiisa biilo kaasoo ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida Xaaskiisa, labadiisa waalid, Caruurtiisa iyo qayrkoodba, isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wax bixintaa ajarna kaga raba Ilaahay wuxuu helayaa ajarka Sadaqada oo kale.

فوائد الحديث

Ajar iyo xasanaat ayaa laga helayaa hadii la biilo Reerka.

Mu'uminku camalkiisa wuxuu ula jeeda Ilaahay wajigiisa iyo inuu Ilaahay kaga helo ajar iyo xasanaat.

Waxaa haboon in Qofku Niyad Saalixa ula yimaado camalkiisa Saalixa ah, waxaana ka mid ah biilka Reerka.

التصنيفات

Nafaqada