Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: "Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan Maalmood iyo afartan Habeen

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: "Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan Maalmood iyo afartan Habeen

Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: "Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan Maalmood iyo afartan Habeen, ka dib wuxuu noqon Xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa Malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: Risiqiisa, Cimrigiisa, Camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufaa, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu Janaha ilaa marka uu u jiro Janada dhudhun wax le'eg ayaa qadarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka markaasuu Naarta gelin, midkiin ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu u jirsado Naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha markaasuu Janada gelayaa".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Wuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumaystay. wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan tahay waxaa lagu aruurin uurka Gabadha mudo afartan beri ah isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon Xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka seddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa Malag, naftuuna ku afuufaa afartanka seddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa Malaga inuu qoro afar kalimadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu aduunka joogi doono, Iyo Camalkiiisa, muxuu noqon, ma mid hoogay baa mise mid liibaanay. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- qofku inuu camalka Ahlu Janaha camal falin, kaasoo ah camal saalixa, sida dadka u muuqata, sidaas ayuu ahaanayaa ilaa markay Janadu u jiro dhudhun, waxaa yacni markay Janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhudhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka oo loogu khatimin Naartuuna gelin, waayo Shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu Qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago Naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qadarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha wuuna gelin Janada.

فوائد الحديث

Meesha ay ku dambayn arintu waa ciribteeda waana sida kolba qadarka Ilaahay horay u qoray.

Waa laga digay in lagu sirmo muuqaalka camalka, waayo camalka khaatumada uunbaa laga eegaa.

التصنيفات

Maalinta Qiyaame oo la rumeeyo, Malaa`igta, Qadarka iyo Qadaha martabooyinkooda, Islaam