إعدادات العرض
Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay
Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade, waxaa laga wariyey in: Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaad walba wuu takbiirsan jiray tan faralka ah iyo tan Sunahaba, Ramadaanka iyo qayrkiba, wuuna takbiirsan jiray markuu kacayo, markuu Rukuucayo, wuxuuna dhihi jiray: samica Allahu liman xamidah, ka dib wuxuu dhihi jiray: Rabanaa walakal xamdu, intuuna Sujuudin, ka dibna wuxuu dhihi jiray: Allahu akbar, markuu u sii hoobanayo Sujuuda, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Madaxiisa Sujuuda ka oo qaadayo, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Fadhiga Rakcada labaad ka kacayo, sidaasuu ku samaynayey Rakcad walba, ilaa uu Salaada dhameeyo, wuxuu yiri: Abuu Muusa- markuu tagayey: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली తెలుగు Bosanski Italiano ಕನ್ನಡ Kurdî മലയാളം Oromoo Română Shqip Српски Українська Wolof Moore Tagalog Malagasy தமிழ் Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyar Português Deutsch Русскийالشرح
Abuu Hurayra wuxuu wariyey Allaha ka raali ahaadee qeyb ka mida sifooyinkii Salaada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ka waramay inuu Nabigu markuu Salaada isku taago takbiiratul-ixraamka ku bilaabi, hadana uu takbiiran jiray markuu rukuucayo, markuu sujuudayo, markuu sujuuda ka toosayo, markuu Sujuuda labaad sujuudayo, markuu kasoo toosayo Sujuuda labaad, markuu ka kacayo fadhiga labada Rakcadood ee hore, Salaadaha Maqribka iyo kuwa Afarlayda ah, sidaas buuna samayn jiray Salaada oo dhan, ilaa uu gudanaayo Salaada, marka uu Rukuucda ka toosayana wuxuu dhihi jirey: Samica Allahu liman xamidah (Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya, hadana wuxuu dhahayey isagoo taagan: Rabanaa lakal-xamdu (Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay). Ka dib wuxuu oronayey Abuu Hureyra markuu Salaada ka baxay: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, Salaadaydaa ugu ekaansho badan Salaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sidaa ayey ahayd sifada Salaadiisu ilaa uu Dunida ka tegay.فوائد الحديث
Waa la takbiirsan markastoo hoos la aadayo ama kor loo soo kacayo marka laga reebo ka soo kicida Rukuuca oo uu oronaayo: samica Allaahu liman xamidah.
Asaxaabtu waxay ku dadaalayeen ku dayashada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo ilaalinta Sunadiisa.
التصنيفات
Sifada Salaada