إعدادات العرض
qofka u adeega garoobka iyo maskiinka, wuxuu la mid yahay mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaya, ama qof habeenkiina cibaado u taagan maalintiina sooman
qofka u adeega garoobka iyo maskiinka, wuxuu la mid yahay mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaya, ama qof habeenkiina cibaado u taagan maalintiina sooman
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: "qofka u adeega garoobka iyo maskiinka, wuxuu la mid yahay mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaya, ama qof habeenkiina cibaado u taagan maalintiina sooman".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Română Lietuvių Malagasy ಕನ್ನಡ Oromoo Nederlands Српски Українська Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyarالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ka shaqeeya danaha dumarka ragoodu ka dhintay cid u miciintana haysan, iyo masaakiinta baahidu hayso, waxna siiya isagoo Ilaahay uun ajar kaga raba, qofkaasi xaga ajarka wuxuu la mid yahay mujaahidka Ilaahay dartii u dagaalamaya, ama qofka salaad tahajuda u taagan ee aan daalayn, oo sooman oo aan afuraynفوائد الحديث
Waxaa la isku boorinayaa, iskaashi iyo in la is kafaalo qaado iyo in la caawiyo dadka baahan ee daciifka ah.
Cibaadada waxaa soo galaya camal kastoo wanaagsan, waxaana ka mida cibaadada in loo adeego garoobka iyo miskiinka.
Ibn Hubayra: wuxuu yiri: waxaa loo jeedaa Ilaahay kor ahaaye qofkaas wuxuu isugu darayaa ajarka qofka sooman iyo kan cibaadada u taagan iyo mujaahidka hal mar ayuu wada siin, waayo garoobka ayuu u gacan qabtay sida ninkeedii ...., sidaas oo kale wuxuu u garab istaagay miskiinka waxba qabsan kari waayey, wuxuu heli karay iyo xoogiisiiba wuu sadaqaystay wax tarkiisu wuxuu u dhigmaa soomka, qiyaamka iyo jihaadka.
التصنيفات
Fadliga Camalka Xubnaha