wuxuuna ugu wayso qaatay waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-

wuxuuna ugu wayso qaatay waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-

Yaxye Binu Cumaara Almaasini wuxuu yiri: Waxaan u joogay Camru Binu Abii Xasan oo waydiinaya Cabdullaahi Binu Zayd, waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u yeertay weel ay biyo ku jiraan, wuxuuna ugu wayso qaatay waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, weelkii ayuu gacanta biyo uga shubtay, gacmihiisuu sadex jeer dhaqaay, ka dibna weelkii ayuu gacanta galiyey, wuuna luq-luqday oo sandaarsaday oo iska firdhiyey sadex darsasho, ka dibna gacantuu galiyey oo wejigiisuu saddex jeer dhaqay, ka dib gacmihiisuu laba jeer dhaqay ilaa suxulada, ka dibna gacantiisuu galiyey oo madaxiisuu ku masaxay, isagoo horay iyo gadaal u mariyey gacmaha madaxiisa hal mar, ka dibna wuxuu dhaqay labadiisa lugood ilaa anqawyada.

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Albukhaari.]

الشرح

Cabdullaahi Binu Zayd-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu cadeeyey qaabkii waysadii Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisadii- qaab ficil ahaan ah, wuxuuna waydiistay in weel yar oo biyo ku jiraan loo keeno, wuxuuna ku bilaabay inuu horta faraha dhaqdo, ka dibna weelka ayuu soo qaloociyey oo biyaha ka shubtay oo gacmaha sadex jeer ku dhaqay weelka dibadiisa. Ka dibna weelkii buu gacantiisa galiyey, oo saddex jeer darsaday oo ku luq-luqday oo mar walba oo uu darsado wuu sandaarsaday oo iska firdhiyey. Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday wuuuna dhaqay wajigiisa sadex jeer, Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday oo dhaqay gacmihiisa labalaba jeer ilaa xusulada, Ka dibna gacmihiisuu weelkii galiyey, madaxiisuuna labadiisa gacmood ku masaxay, isagoo ka bilaabay foodiisa ilaa qadaadka qoorta ka sareeya, ka dibna wuu ku sooceliyey ilaa uu soo gaaray meeshuu ka bilaabay, Ka dibna lugihiisuu dhaqay ilaa anqawyada.

فوائد الحديث

Waa in macallinku oo raaca qaabka ugu dhaw ee loo fahmi karo cilmiga oo si fiican loogu barikaro, taas waxaa ka mida in si camali ah wax loo baro.

way banaan tahay in sadex jeer la dhaqo xubnaha laga wayso qaato qaarkood, qaar kalena labo jeer la dhaqo, waajibkuse waa hal mar.

waa waajib kala horaysiinta xubnaha laga wayso qaato sida xadiiska ku xusan.

xadka wajigu waa halka timuhu ka bilawdaan ee caadiga ah, ilaa garka iyo lafta gadhka dherer ahaan, iyo dhegta ilaa dhegta kale balac ahaan.

التصنيفات

Sifada Waysaysiga