Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada

Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada

Sahal Binu Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay labo arimood oo hadii Qofka Muslimku ilaaliyo uu Janada ku gelayo. Tan koowaad: waa Carabka oo laga ilaaliyo inuu ku hadlo wax Ilaahay ka Caraysiinaya. Tan labaad: waa Farjiga oo laga Ilaaliyo inuu ku dhoco macsi Waayo waxaa badan in labadaa xubnood lagu sameeyo macaasi.

فوائد الحديث

Carabka iyo Farjiga in Ilaaliyo waxay sabab u tahay gelida Janada.

Waxaa si gaara loo sheegay Carabka iyo Farjiga, waayo labadoodu waa mimbaca ugu wayn ee dadka dhibku uga imaanayo Aduun iyo Aakhiroba.

التصنيفات

Sifooyinka Janada iyo Naarta