Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada qofka kor loogu qaado?

Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada qofka kor loogu qaado?

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee - wuxuu yiri: "Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada qofka kor loogu qaado?" waxay dheheen haa, Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu yiri:"waa waysada oo lagu xeel dheeraado waqtiyada waysada la dhibsado, talaabada oo loo badiyo xaga masaajida iyo salaada ka dib oo la sugo salaada xigta, taasi waa iyado jihaad loo darban yahay.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu waydiiyey asxaabtiisa inay rabaan inuu tuso camal sabab u noqda in dambiga la dhaafo oo laga masaxo diiwaanka malaa`igtu ku qorto, oo laga masaxo buugta malaa'igtu ku qorto oo lagu helo darajo sare? Waxay dheheen asxaabtu: haa waan doonaynaa kaas, wuxuu yiri: Kan 1aad: waa in sifiican loo wayso qaato waqtiyada la dhibsanyo biyaha, sida qabowga, biyo yaaranta, jirka oo xanuunsan iyo biyaha oo kulul. Kan 2aad: waa in talaabada loo badiyo xaga masaajidka, talaabaduna waa masaafada u dhaxaysa labada lugood oo loo qaado masaajida ka fog guriga iyo in inbadan lagu soo celceliyo talaabadaas. Kan 3aad: waa waqtiga salaada oo la sugo, iyo qalbiga oo ku xiran waqtiga salaada loona diyaargaroobo salaada iyo masjidka oo la fariisto oo lagu sugo jamaacada, oo haduu salaada tukado uu fadhiyo meeshii uu ku tukaday ilaa salaada xigta la gaaro. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu cadeeyey in camalkaasi yahay jihaad loo darban yahay, waayo nafta ayuu ka xirayaa dariiqa shaydaanka hawadana wuu qasbaysaa oo ka joojinaysaa inay aqbasho waswaaska, markaas ayey xisbiga Ilaahay ka adkaanayaan ciidanka shaydaanka, kaasaana ah jihaadka wayn, taasina waxay la mid tahay qof dhufays ugu jira cadowga.

فوائد الحديث

Waa muhiim in la ilaaliyo salaada jamaacada ah oo lagu tukado masaajidka, oo ihtimaam la siiyo salaadaha oo aan laga mashquulin.

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si fiican ayuu ugu soo bandhigay asxaabtiisa wuuna jeclaysiiyey isagoo ku bilaabay qaab su`aal ah, waana qaab ka mida qaababka wax loo baro dadka.

Faa'iidada ay leedahay masalada oo loo dhigo qaab su'aal iyo jawaab ah: waa inuu hadalku noqdo mid saamayn ku leh nafta waayo inta la qariyey ayaa la cadeeyey.

Wuxuu yiri imaam Nawawi-Allaha u naxariistee: kaasi waa ribaad: waa ribaad la jecel yahay, Ribaadka asal ahaantiisuna waa in shay la xabiso waa sidii isago naftiisa u xabisay cibaadadaas, waxaa kaloo la yiri waa ribaadka ugu fadliga badan waxaa kaloo la yiri: jihaadka runtaahi waa jihaadka nafta, waxaa kaloo la yiri waxaa dhici karta in laga wado ribaadka qofka u fudud oo u suuragalka ah, yacni: waa ribaad ka mida noocyada ribaadka.

Way soo noq-noqotay weedha "Ribaad" waxaana lagu qeexaa "AL" waana tan wax lagu qeexo: si loo wayneeyo xaalka acmaashaas.

التصنيفات

Fadliga Camalka Saalixa ah