Qofka u sooma Ramadaanka iimaan ahaan iyo ajar doon ahaan waa loo dhaafaa dambigiisii hore

Qofka u sooma Ramadaanka iimaan ahaan iyo ajar doon ahaan waa loo dhaafaa dambigiisii hore

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka u sooma Ramadaanka iimaan ahaan iyo ajar doon ahaan waa loo dhaafaa dambigiisii hore".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka sooma Bisha Ramadaan isagoo Ilaahay qirsan oo rumaysan waajibnimada Ramadaanka iyo ajarka iyo abaalka wayn ee Ilaahay u diyaariyey dadka sooman, Ilaahay dartina ula jeeda oo aysan ka ahayn is tustus iyo ha lagu maqlo, waa loo dhaafaa dambiyadiisii hore.

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku sugan Ikhlaaska fadligiisa iyo muhimada uu u leeyahay Soonka Ramadaanka iyo Acmaasha kale ee Saalixa ah.

التصنيفات

Fadliga Soonka