Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa

Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa

Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa". waa mutafaq. muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan Diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka ku soo dara Diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil Kitaabka iyo Sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma aqbalaayo.

فوائد الحديث

Cibaadadu waxay ku dhisan tahay wixii ku soo arooray Qur'aanka iyo Sunada Nabiga, Ilaahay ku caabudimayno wuxuu jideeyey mooyee oo bidco iyo wax gadaal laga keenay ku caabudimayno.

Diintu maaha Ra'ayi iyo sida qofku jecel yahay, balse waa raacid Rasuulka la raaco -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee.

Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Diinta kaamilnimadeeda.

Bidcadu waa wax kasta oo Diinta lagu soo daro ee aan jirin waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo

Asxaabtiisa ee ah caqiido ama hadal ama camal.

Xadiiskani wa asal ka mida usuusha Islaamka camalkana wuxuu u yahay sida miisaanka, sida camal walba ee aan loo la jeedin Ilaahay darti uusan qofku ajar uga helayn ayaa camal walba ee aan waafaqsanayn wixii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu la yimid waa lagu celinayaa qofkii sameeyey.

Xadiiska waxaa ku sugan in wax yaabaha gadaal laga keenay ee la reebay ay yihiin wixii ku saabsan arimaha Diinta ee aan ahayn arimo aduunyo.

التصنيفات

Bidcada