إعدادات العرض
wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -mid dhaha dikrigaan salaad kasta dabadeeda)
wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -mid dhaha dikrigaan salaad kasta dabadeeda)
Abii Subeyr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu ahaa ina Subeyr mid dhaha salaad kasta gadaasheeda marka uu salaama naqsado: (majiro ilaah aan Allaha xaqa ah ee keligi ah ahayn, mana jiro wax la wadaaga boqornimadiisa, isagaana leh mahad oo dhan, wax walbana isagaa awooda, xeelad iyo awood aan isaga xagiisa ahaynna majirto, Ilaahay mooyee ilaah kalana majiro, isaga mooyee cid kalana macaabudayno, nicmada iyo fadliga oo dhanna isagaa iskaleh, amaan wanaagsanna isgay u sugnaatay, Ilaahay maahee Ilaah kale majiro, isagaan u barax tiraynaa camalkayaga iyo umuuraha diinta oo dhan, xataa haday gaaladu dhibsadaan) wuxuuna dhahay: ( wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -mid dhaha dikrigaan salaad kasta dabadeeda).
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English فارسی Français Bahasa Indonesia Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Español Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ ไทย Русский Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands Hausa دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Oromoo Македонскиالشرح
Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa markuu ka boxo salaad kasta oo waajib ah inuu akhriyo dikraan wayn macnihiisuna waa: (Laa ilaaha ilaa Allaah): majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. (Waxdahuu laa shariika lahu) ma jiro cid la wadaagta Ilaah Nimcadiisa, Rabi nimadiisa, magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa. (Lahul-mulku) Ilaahay kaligi ayaa iska leh mulkiga guud ee caamka ah ee shaamilka ah ee waasica ah waa mulkiga samooyinka iyo dhulka iyo inta dhuxaysa. (Walahul-xamdu) Ilaahay isagaa ku sifoobay kaamilnimo guud oo lagu mahadiyo maxabo kaamila iyo xaalad walba oo la wayneeyo, hadii dhib jiro iyo hadii dheefi jirtoba. (Wa huwa calaa kulli shay'in qadiir) awoodiisu waa kaamil oo dhinac walba taamka ah wax uusan awoodin ma jiro arin ku adkaanayana ma jiro. (Laa xawla walaa quwata illaa billaah) ma jirto cid xaalad uga wareegi karta xaalad kale ama xaalad macsi ah uga wareegi karta xaalad cibaado ah, cid awood leh ma jirto in Ilaahay u kaalmeeyo mooyee oo isaga la talo saarto. (Laa ilaaha Ilaa Allaah,walaa nacbudu ilaa Iyaahu) waa hadal xoojinaya macnaha Ilaahnimada, oo diidaya shirkiga, mana jiro cid cibaadada xaq u leh oo aan Ilaahay ahayn. (Lahu nicmatu walahul-fadlu) Ilaahay Isagaa abuuray nicmooyinka isagaana leh, wuxuuna siiyaa ciduu doono ee adoomadiisa ah. (Walahu thanaa ul-xusan) amaanta fiican waxaa iska leh Ilaahay daatadiisa, afcaashiisa, nicmooyinkiisa iyo xaalad walba. (Laa ilaaha ilaa Allaah, mukhlisiina lahu diin) Ilaahay ayaan kali yeelaynaa cidna istusimayno cidna maqashiin mayno Ilaahay cibaadadiisa. (Walow kariha al-kaafiruun) waxaan ku sugnaanaynaa towxiidka Ilaahay iyo cibaadadiisa haba dhibsadaan gaaladuye.فوائد الحديث
Waa suno in la ilaaliyo dikrigaan salaad walba oo waajiba gadaasheeda.
Muslimku wuxuu ku faanaa oo ciso ku leeyahay diintiisa wuuna muujiyaa cibaadada diinta, xataa haday dhibsadaan gaaladu.
Hadii ay ku soo aroorto xadiiska erayga: "salaada dabadeeda" hadii aanu ku sugnayn xadiiska dikri, sida asalka ahi waa in dikrigaasi salaama naqsiga ka dambeeyaa, hadayse duco tahay waxay ahaanaysaa salaama naqsiga ka hor.
التصنيفات
Adkaarta Salaada