qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey

qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay baa yiri: qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey, adoonkayguna ka suulimaayo inuu iigu soo dhawaado sunanta ilaa aan jeclaado, hadaan jeclaadona: waxaan noqdaa maqalkiisii uu wax ku maqlaayey, iyo aragiisii uu wax ku arkaayey, iyo gacantiisii uu wax ku qabanaayey, iyo lugtiisii uu ku soconaayey, haduu wax i waydiistona waan siin, haduu i magan galana waan magan gelin, ma jiro shay aan sameeyo oo aan ka laba labeeyo isadaan uga laba labeeyo muminka naftiisa, wuxuu neceb yahay geerida ana waxaan nibcahay xumayntiisa

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Albukhaari.]

الشرح

Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku sheegay xadiiskaan qudsiga ah in Ilaahay weyne yiri: Qofka dhiba wali ka mida awliyadeyda, oo ka caraysiiya waxaan ogaysiiyey colaad. Waligu waa: Mu'uminka Taqiga ah, qofka kolba inta iimaankiisa iyo Ilaah ka cabsiqiisu dhan yahay ayuu noqonayaa nasiibkiisa uu ka helaayo walinimada Ilaahay. Muslimku uguma soo dhawaado Rabigi shay uu ka jecel yahay wixii uu ku faral yeelay oo uu ku waajibyey oo ah samaynta daacada iyo ka tagida muxaramaatka, Muslimkuna ka suulimaayo inuu Rabigi ugu soo dhawaado sunanta iyo faralka, ilaa uu gaaro jeclaanta Ilaahay. Markuu Ilaahay jeclaadana Ilaahay wuxuu u toosiyaa xubnahan afarta ah: Ilaahay wuxuu u toosiyaa maqalka oo ma maqlo wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa aragiisa, oo ma eego wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa gacantiisa, oo kuma qabto wax aanu Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa lugtiisa oo kuma aado meel aan Ilaahay raali ka ahayn, oo uguma socdo wax aan khayr ahayn. Intaa waxaa u dheer haduu Ilaahay wax waydiisto Ilaahay wuu siinayaa, oo wuxuu noqonayaa mid ducadiisa la aqbalo, haduu Ilaahay wax ka magan galo oo soo hoos galo isagoo doonaaya inuu ilaaliyona, Ilaahay wuu magan galin wuuna ka ilaalin waxaa uu ka baqaayo. Ka dib Ilaahay wuxuu yiri: kamaan laba-labeeyo waxaan sameynayo sidaan uga laba-labeeyo qaadida nafta mu'uminka anigoo u naxariisanaya darteed, waayo wuxuu neceb yahay geerida xanuunka ay leedahay darteed, Ilaahayna waa neceb yahay wixii mu'uminka xanuujiya.

فوائد الحديث

Xadiiskani waa axaadiista uu Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka wariyey Rabigi, waxaana looyaqaan xadiis Aludsi ama xadiis Ilaahi ah, waana xadiiska ereyadiisa iyo macnohooduba Ilaahay ka sugnaadeen, inkastoo aanu lahayn sifaadka Qur'aanku leeyahay ee uu kaga duwan yahay wixii ka soo haray, sida in lagu cibaadaysto akhrintiisa, oo loo dahaaro qaato qaadashadiisa, cajsi gelintiisa iyo icjaaskiisa aysan cidna keeni karin, iyo intaa qayrkeedba.

Waxaa la reebay in la dhibo awliyada Ilaahay, waxaana lagu booriyey dadku inay jeclaadaan awliyada Ilaahay oo ay gartaan fadliga ay leeyihiin.

waxaa la faray dadku inay la ciloobaan cadawga Ilaahay oo ay xarimaan xiriirintooda.

Qofka sheegta inuu wali Ilaahay yahay isagoo sharciga Ilaahay aan raacin been ayuu ka sheegay sheegashadiisa.

Waxaa lagu gaaraa walinimada Ilaahay gudashada waajibaadka iyo ka fogaanta xaaraanta.

Asbaabta Ilaahay ku jeclaado adoonka oo ducadiisa ku aqblo waxaa ka mida, inuu sameeyo sunooyinka markuu guto waajibaadka oo uu ka fogaado xaaraanta.

xadiisku wuxuu tusinayaa sharafta Awliyada Ilaahay iyo in makaanadoodu sarayso.

التصنيفات

Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka