waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-

waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-

Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo Quluubteenu cabsatay, Indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, Gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo Diinta lagu soo daro, Bidco kastaana waa Baadi ".

[Xadiis Saxiix ah] [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo Axmed]

الشرح

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu wacdiyey asaxaabtiisa wacdi xeel dheer, taasoy quluubta cabsi gelisay, indhuhuna la ilmeeyeen. Waxay dheheen -Asaxaabtu-Rasuulka Ilaahayow, waxay u eg tahay waano sagootin ah, waa markay arkeen siduu ugu xeel dheeraaday Nabigu- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waanada, waxay weydiisteen dardaaran ay qabasdaan gadaashiisa. Wuxuu ku yiri: waxaan idiin dardaarmayaa Ilaahay cabsidi, idinkoo la imaanaya waajibaadka , kana tegaya wixii la xarimay. iyo inaad maqashaan oo adeecdaan Madaxda, xataa haduu Madax idiin noqdo Adoon ama uu xoog idinku qabsado, yacni, haduu Madax idiin noqdo dadka kan ugu liita ha nicina ee adeeca, iyadoo laga baqayo fitan, Qofkii idinka mida ee noolaada wuxuu arki doonaa khilaaf badan. Ka dib wuxuu u sheegay sida looga bixi karo khilaafkaas, taaso ah in la qabsado Sunada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo Sunada khulafad Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee isaga ka dambeeya, kuwaasoo ah: Abii Bakar Asidiiq, Cumar Binu Khaddaab, Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Daalib,-Allah ka raali ahaado dhamaantoode-, hadalka Rasuulka ee ah: "caduu calayhaa bina-waajidi" waa gawsaha danbe, oo uu uga jeedo in Sunada la qabsado oo lagu taagnaado. Wuxuu uga digay wax kastoo Diinta lagu soodaro oo Bidca ah, waayo Bidco walba waa baadi.

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku sugan ahmiyada ay leedahay in Sunada la qabsado oo la raaco.

Xadiiska waxaa ku sugan in la ilaaliyo wacdiga iyo qalbi jiclcinta.

Xadiiska waxaa ku sugan in la is amray in la raaco khulafada Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee afarta ah ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka danbeeyey, kuwaasoo ah: Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan, Cali -Allaha ka raali ahaadee-.

Xadiiska waxaa ku sugan in la diiday in Diinta Bidco lagu soo daro, Bidco kastana lumid tahay.

Waa in la maqlo oo la adeeco cida Muuminiinta Mdax u noqota, iyadoon Macsi lagu raacayn.

Xadiiska waxaa ku sugan in ahmiyad ay leedahay in Ilaahay casa wajala laga baqao waqti walba iyo xaalad walba.

khilaafku wuu ka dhacayaa ummaddaan, hadii uu dhacana waa waajib in loo laabto Sunada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo tii Khulafada Raashidiinta ah.

التصنيفات

Muhimada Sunada iyo Makaanadeeda, Fadliga Saxaabada Allah raali ka noqdee, Imam's Rights over the Subjects, Merits of the Rightly Guided Caliphs