muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina muuminka maahee cid kale uma sugnaan

muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina muuminka maahee cid kale uma sugnaan

Suheyb-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina muuminka maahee cid kale uma sugnaan, haduu khayr helo wuu ka mahad celinayaa, khayr ayeyna u ahaanaysaa, hadii dhibaato ku dhacdana wuu sabrayaa, khayr ayeyna u noqonaysaa.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu la yaabay muuminka arinkiisa iyo axwaashiisa, isagoo-Rasuulku- jeclaysanaya arinkaa, waayo xaalkiisoo dhan baa kheyr wada ah, muuminka maahee cid kale uma sugna arinkaasi, Hadii wax farxad leh uu helo wuu ka mahad celinayaa markaasuu mahad celintaas ka helayaa ajar. Hadii dhib ku dhacona wuu ku sabraa oo Ilaahay ayuu ajar ka helayaa, wuxuuna sabirkaa ka helayaa ajar, sidaa awgeed mar walba wuxuu helayaa ajar.

فوائد الحديث

Fadli ayey leedahay in laga mahad celiyo nicmada oo lagu sabro dhibka, qofka sidaa sameeya aduun iyo aakhiroba wuxuu helayaa khayr, qofka aan ka mahad celin nicmada oo aan ku sabrin musiibada waxaa dhaafay ajar wayn, wuuna danbaabay.

Iimaanku fadli ayuu leeyahay, ajarkana mar walba waxaa iska leh dadka iimaanka leh.

Nicmada oo laga mahad celiyo, iyo dhibka oo lagu sabro waa sifaadka muuminiinta.

In la rumeeyo Qadaha iyo qadarka Ilaahay waxay ka dhigaysaa Muuminka inuu axwaashiisa oo dhan ku raali noqdo, waxaa ka duwan qofka aan muuminka ahayn kaasoo ku jiraya caro joogto ah marka dhib ku dhocoba, hadii Ilaahay nicmo siiyana wuxuu kaga mashquulaa cibaadada Ilaahay, waliba wuxuu u isticmaala macsida Ilaahay.

التصنيفات

Nadiifinta Nafta