qofka u weyso qaata sidaa aan u weyso qaatay ee tukada labo Rakcadood oo aanu naftiisa la sheekaysan Salaada dhexdeeda, Ilaahay wuxuu ka dhaafaa dambiyadiisii hore

qofka u weyso qaata sidaa aan u weyso qaatay ee tukada labo Rakcadood oo aanu naftiisa la sheekaysan Salaada dhexdeeda, Ilaahay wuxuu ka dhaafaa dambiyadiisii hore

Xumraan oo ahaa Adoonkii Cusmaan Binu Cafaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Cusmaan ayaa weel lagu weyso qaato dalbaday, Gacmihiisa ayuu dhaqay seddex jeer, ka dibna Gacantiisa Midig ayuu galiyey weysadii, waanu luqluqday, oo San daarsaday, oo ka soo firdhiyey Sanka Biyihii, ka dibna Wajigiisuu seddex jeer dhaqay, iyo Gacmihiisa ilaa Suxullada seddex jeer, ka dibna Madaxuu masaxay, hadana Luguhuu dhaqay mid walba seddex jeer, intaa ka dib wuxuu yiri Cusmaan-: Nabigaan nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan arkay isagoo qaabkaa aan u weyso qaatey oo kale u weyso qaadanaya, oo dhahay:"qofka u weyso qaata sidaa aan u weyso qaatay ee tukada labo Rakcadood oo aanu naftiisa la sheekaysan Salaada dhexdeeda, Ilaahay wuxuu ka dhaafaa dambiyadiisii hore".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Cusmaan Binu Cafaan Allaha ka raali ahaadee wuxuu baray qaabkii waysaysiga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waliba qaab tusaalaysan, oo uu tusayo hortooda dadka siday tahay waysadu, wuxuuna dalbaday biyo weel ku jira, seddex jeer ayuu ku shubay Gacmihiisa wuuna mayray, intaa ka dibna Gacantiisa Midig buu weelka galiyey biyuhuuna sooqaatay, Afkiisuna galiyey wuuna soo tufay, hadana biyihii buu sanka ku qaaday ilaa gudaha sanka, wuuna soo firdhiyey, hadana wajigiisuu saddex jeer dhaqay, Gacmuhuu ku xijiyey ilaa labada Xusul seddex jeer, hadana hal marbuu Madaxa mariyey Gacantiisoo qoyan, intaa ka dibna Luguhuu dhaqay ilaa Anqawyada seddex jeer. Markuu dhameeyey Allaha ka raali ahaadee ayuu ka sheegay inuu arkay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo sidiisaa oo kale u weyso qaatay, oo waliba ugu bishaareeyey Qofka sidiisa oo kale u weysa qaata labo rakcadoodna tukada, isagoo khushuucsan qalbigiisana soo xaadiriyey llaahay hortiisa, Ilaahay inuu kaga abaal marin doono weysadiisaa uu wanaajiyey iyo Salaada khaaliska ah inuu ka dhaafo dambiyadiisii hore.

فوائد الحديث

Waxaa Suna ah in Gacmaha la dhoqo intaan weelka la galin weysada ka hor, yaanu hurdaba ka soo toosine, haduu ka soo tooso hurdada habeenka waxaa waajib ah inuu faraha dhaqdo.

Waxaa haboon in Macallinku raaco qaabka ugu dhow ee uu wax ku fahmi karo aqoontuna ugu xasilayso kan wax baranaya, waxaana ka mida in Qofka wax lagu baro ficil,.

Waxaa la gudboon Qofka tukanaaya inuu niyadiisa ka saaro fikirka Aduun ee ka mashquulinaya khushuucda Salaada, waayo Salaada kaamilka ahi waxay ku xiran tahay qalbiga oo jooga oo ku xiran Salaada, waayo fikirka maskaxda ku soo dhacaya lagama aamin helo, sidaa darteed waa inuu Qofku iskala jihaado waxaas oo aanu isku sii dayn.

Waa Sune in la midigaysto weyso qaadka.

Waa Sharci tartiibta kala horaysiinta luq-luqashada iyo San daarsiga iyo firdhinta.

Waxaa Suno ah in la seddexeeyo mayrida Wajiga, Gacmaha, Lugaha, Waajibkuse xubintiiba waa hal mar.

Dambi dhaafka Ilaahay ee dambiyadaa la soo samayey waxay ku xiran tahay labo qodob oo lala yimaado: weyso qaadka iyo labo Rakcadood oo lala yimaado sida Xadiiska lagu soo xusay.

Xubin kastoo xubnaha waysaysiga ka mid ah waxay leedahay xad: wajiga xadkiisu waa: halka ay timaha madaxa ka baxaan ilaa lafta garka dherer ahaan, hadana dhagta ilaa dhagta kale balac ahaan, gacanta xadkeedu waa: faraha laga bilaabo ilaa suxulka, waana halka gacantu ka laabato ee cududa iyo dhudhunka u dhaxaysa, madaxa xadkiisu waa: timaha fooda laga bilaabo ilaa halka qoorta iyo madaxu iska galaan, masixitaanka dhaguhuna madaxay raacsan yihiin, luguha xadkoodu waa: anqawga oo kaamila iyo kala goyska dhudhunka.

التصنيفات

Sifada Waysaysiga