Tusaalaha Qofka xuduuda Ilaahay ku taagan ee ilaalinaya Sharciga iyo midka ku dhacaya ee aan ka waabanayn,waa sida dad Doon u Qori tuurtay, oo qaar heleen xaga sare qaar xaga hoose

Tusaalaha Qofka xuduuda Ilaahay ku taagan ee ilaalinaya Sharciga iyo midka ku dhacaya ee aan ka waabanayn,waa sida dad Doon u Qori tuurtay, oo qaar heleen xaga sare qaar xaga hoose

Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Tusaalaha Qofka xuduuda Ilaahay ku taagan ee ilaalinaya Sharciga iyo midka ku dhacaya ee aan ka waabanayn,waa sida dad Doon u Qori tuurtay, oo qaar heleen xaga sare qaar xaga hoose, oo kuwa xaga hoose helay markay biyo u baahdaan ay siimarayaan kuwa kor saaran, oo ay dhahaan: hadaan halkeenanba dalooshano, oo aynaan dhibin kuwa naga sareeya, hadaba kuwa xaga sare saarani haday u ogolaadaan sidaa dhamaantood way halaagsamayaan, hadayse ka qabtaan Gacmaha oo u diidaan way bad baadin, dhamaantoodna way wada bad-baadayaan."

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]

الشرح

Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu tusaale u soo qaatay kuwa xuduuda Shareecada dhowra ee amarka Ilaahay ku toosan, wanaagana fara xumahana reeba . iyo kuwa ku dhaca Xuduuda Ilaahay, ee kataga wanaaga Xumaantana u bareera, iyo saamaynta taasi ku leedahay badqabka Bulshada, waa sida dad saaran Doon, una Qori tuurtay cida xaga sare fariisan iyo kuwa xaga hoose fariisan, sidaana qaar ku heleen xaga sare, qaarna xaga hoose, kuwa hoosta fadhiya markay Biyo rabaan waxay siimarayaan kuwa sare, oo ay dheheen kuwa hoose: halkan aan joogno aan dalooshano, si aynaan u dhibin kuwa sare, haday ku eegtaan kuwa korka saarani daloolintaa, way la dagin doontu dhamaantood, hadayse ka joojiyaan oo daloolintaa u diidaan way wada bad-baadayaan dhamaantood.

فوائد الحديث

Ahmiyad ayey u leedahay wanaaga faridiisu iyo Xumaanta reebideedu badqabka Bulshda iyo nabad gelyadeeda.

Qaababka wax lagu baro dadka waxaa ka mid ah tusaale bixinta, si uu macnuhu ugu soo dhawaado caqliga si la dareemi karo.

Samaynta Munkarka muuqda ee aan la inkirin, waxaa ka dhasha fasaad Bulshada u keena dhibaato.

Halaaga Bulshadu wuxuu ka Dhashaa dadka Xumaanta samaynaaya oo loo daayo inay dhulka fasaadiyaan.

Xumaanta oo la sameeyo iyo Niyada oo la wanaajiyo kuma filna in camalka la hagaajiyo.

Masuuliyada Bulshada Muslimka ah waa la wadaagaa ee Qof kaliya ma saarna.

Bulshada waa lagu ciqaabayaa Dambiga uu sameeyey Qof gaar ah hadaan la iska qaban.

Dadka Xumaanta sameeya waxay u tusaan in Xumaantoodu khayr u tahay Bulshada Muslimka ah, sida Munaafiqiintu sameeyaan oo kale.

التصنيفات

Fadliga macruufka oo la faro iyo xumaanta oo la reebo